Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika
    September 6, 2025
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin).
Maqaallada

Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 4, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Jiritaanka argagixisada iyo in ay dadka laayaan waxaa laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha xooggan oo ay sida baadda ah uga qaadi jireen Bulshada gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaas oo ay u adeegsan jireen dilalka, qaraxyada baabuurta,cabsi gelinta Bulshada iyo wax kasta oo halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maaddaama argagxisadu ku socdo dagaal toos ah oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo muddo ay xoog ku heysteen, kuwo kooban ay joogaanna lagu beegsanayo.

Si soo afjaridooda u fududaato waxaa lama huraan noqotay in dhinaca dhaqaalaha laga curyaamiyo, ku baraaruga Bulshada arxandarada iyo ficilada foosha xun ee argagixisadu oo ah kuwo aan waxba hambeyn oo lagu daray digniino iyo go’aano Dowladda ah ee la dagaallanka cadowga ayey inta badan ganacsatadii siin jirtay cadowga baadda joojiyeen.

Qarashaad lagu sii dhibaateeyo ummadda Soomaaliyeed, balse dadka faaqida arrimaha argagixisada iyo sida dhaqaalaha u sameeyaan ayaa rumeysan in ay wali jiri karaan waddooyin ku heli karaan dhaqaalo yar oo aan ku filneyn.

Dowladda Federaalka waxaa go’an in ay  xirto waddo kasta oo Khawaarijta Al-shabaab dhaqaale ku heli karaan,waanna sababta keentay in ay daciifaan kooxdaas bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in ay dambi tahay qof kasta oo lacagtiisa ku taageera Al-shabaab, isaga oo tilmaamay lacagaha ay qaataan Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la isku khilaafsaneyn oo muran ka taagneyn shilinka Shabaab la siiyaa wuxuu u adeegsanayaa dhiigga ummadda muslimiinta ah inuu daadiyo, askariga Shabaabka ah ee wax dilayo mushaar haloo siiyo, mateeriyaalka qalabka qaraxa lagu sameeyo halagu soo gado, midka qaraxa inuu meel mariyo la rabo halagu laaluusho, dhammaan isku soo wada xeeri dhiig la daadinayo qof Soomaali oo Muslim ah oo beri ka ah oo wax uu haleeyay iyo wax uu galabsaday aanay jirin dhiiggiisa la dilayo iyo xormadiisa la baabi’inayo ayaa loo adeegsadaa qofna ma u cudur-daari karo marka, “.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray kuwa Alle wax u dhiibay in ay ilaashadaan lacagtooda oo aanay naar ku muteysan.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ma jirto waddo u furan xilligan oo dhaqaalo uga heli karaan ganacsatada iyo dadka hodanka ah oo ay baadi jireen.

Hay’adaha amniga oo ah ugu horeyso hay’adda NISA ayaa daba-gal xooggan ku haysa dadka lacagaha siiya Al-shabaab iyo kuwa u qaada Al-shabaab, dhowaan ayeyna ahayd markii duleedka degmada Afgooye lagu dilay madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa u yeeridda si lacago baad ah looga qaado, gabalka Khawaarijtu wuu dhacay waxayna ku jiraan rafashadii ugu dambeysay jiritaankooda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)

Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo jireen abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Khawaarijtu…

GudahaMaqaallada
January 29, 2025

Axmed Nuur=”Hooyaday hortayda ayey ku dileen Khawaariijtu”

Muqdisho(SONNA):-Axmed Nuur="Hooyaday hortayda ayey ku dileen Khawaariijtu" Kooxda khawaariijta ee caadaysatay dilka iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta shacabka Soomaaliyeed…

MaqaalladaWararka
March 28, 2023

Qormo Jawhar:-Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa maqaalkan uga hadlay xaaladda magaalada Jowhar katagaan xilligan isagoo qayb ka ahaa wefdi u…

Maqaallada
June 8, 2021

Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay dhammaadkii Todobaadkii la soo dhaafay shir ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wadamada Deriska la ah…

MaqaalladaWararka
February 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023