Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Wasiirka arrimaha gudaha oo u furay tababbar la xiriira Dad-dhigista maamul gobolleedada iyo gobolka Banaadir
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka arrimaha gudaha oo u furay tababbar la xiriira Dad-dhigista maamul gobolleedada iyo gobolka Banaadir
GudahaWararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo u furay tababbar la xiriira Dad-dhigista maamul gobolleedada iyo gobolka Banaadir

By Axmed
Last updated: June 17, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray tababbar ay Wasaaradda u qabatay Iskuduwidda Howlaha Diiwaangelinta madaniga ee degmooyinka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlad goboleedyada, waxaana isugu yimid hey’adaha saddexda heer ee bixiya adeegga dad-dhigista.

Hey’adaha goobjooga ka ahaa waxaa ka mid ahaa agaasimeyaasha dad dhigista ee Wasaarada arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo qeyb ka ahaa ilaa 11 degmo oo hadda bixiya adeegga dad-dhigista kuwaas oo kala ah Galkacyo, Cadaado, Caabdudwaaq, Dhuusamareeb, Baladweyne, Jowhar, Warsheekh, Afgooye, Diinsoor, Baraawe, Waajid, Baydhabo, Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo Garbahaarey.

Khudbadda Wasiirka arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa “ Tababbarkaani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaraddu hoggaaminayso isla markaana muhiimad gaar ah ay ku siinayso in la casriyeeyo lana tayeeyo adeegga dad-dhigista, bixintiisuna noqdo mid isku xiran, maaddaama uu gundhig u yahay dhammaan adeegyada kale ee heer kala duwan ee dowladda”.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha oo sii hadlayey waxaa uu yiri “Arrimaha qabsoomay waxaa ka mid ah in diyaarintii sharciga lagu dhaqayo howlaha dad-dhigista uu marayo meel gabagabo ah, mardhowna la horgaynayo Golaha Wasiiradda iyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo. Intaa waxaa dheer in Wasaaraddu ay diyaarisay habraacyo howl fulineed oo lagu salaynayo bixinta adeegyada dad-dhigista si adeegyadu u noqdaan kuwo tayaysan, sugan, si fudud loo heli karo oo la isku hallayn karo.

Sidaa daraaddeed, maanta waxaan u wada joognaa inaan isu soo bandhigno hannaanka shaqo fulineed ee adeegyada dad-dhigista.

Ujeedka tababbarkaani ayaa ah inaan isku aqoon waydaarsano arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

B. Habraacyada shaqo fulineed ee adeegyada dad-dhigista oo ay Wasaaradda iyo dad khubara ahi ay wada diyaariyeen, idinkuna aad ku darsataan aragtiyidiina si ay habraacyadaasi u noqdaan kuwo la isla oggol yahay;

T. Inaan isla oggolaanno qorshaha istaraatijiyeed ee dad-dhigista iyo tirakoobka muhiimka ah ee billaabanaya 2023 soconayana illaa 2028; iyo

J. In la isla meeldhigo hannaanka ay Wasaaraddu u xaqiijinayso shahaadooyinka dad-dhigista oo ay bixiyaan xafiisyada dad-dhigista ee dowladaha hoose ee dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tanzania:Shan ruux oo u  geeriyooday cudur aan la garaneyn

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay woqooyi Galbeed Dalka Tansaniya,kadib markii uu doo riday cudur aan la garaneyn oo…

Caalamka
March 17, 2023

Kenya oo digniin u dirtay cid kasta oo caawisa Al-Shabaab

Wajeer-Kenya-(SONNA)-Dowladda Kenya ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo taageero u fidisa ama caawisa kooxda Argagixisada Al-Shabaab. Isku-duwaha laamaha…

WararkaWargayska
September 5, 2020

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo abaalmarino guddoonsiiyay dhallinyaro tartan orod loo qabtay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha…

Wararka
November 18, 2020

Ciidanka Qaranka oo ku baxay daminta collaad ka soo cusboonaatay deegaanada Matabaan

Ciidamada Qaranka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmada…

Gudaha
May 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023