Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen guryo deegaan ah oo ku yiillay jasiiradda koonfureed ee Mindanao .
Howlgalkaan oo ka dhacay Magaalada Marawi maalinimadii shalay,waxaa ka qeybqaatay 100 ciidan oo ka kala socday guutooyinka mileteriga iyo kuwa Booliska.
Ciidamada ayaa weerarary laba goobood ama laba guri oo la sheegay in muddo laba bilood ah ay si dhuumasho ah u deganaayeen kooxdaasi ,waxaana sida la sheegy halkaasi lagu soo afjartay nolosha laba dagaalyahan oo sare.
Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday labo kamid ah ISIL ee ugu sareeya gobolka,kuwaas oo kala ah Abu Zacharia, madaxa DI-Maute iyo waxa loogu yeero Amiirka ISIL ee Koonfur Bari Asia iyo Abu Morsid oo ah kooxda DI-Maute. sida ay sheegeen militariga Filibiin