Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Qaramada Midoobay oo warmurtiyeed  ka soo saaray xaaladda soomaaliya.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaramada Midoobay oo warmurtiyeed  ka soo saaray xaaladda soomaaliya.
Gudaha

Qaramada Midoobay oo warmurtiyeed  ka soo saaray xaaladda soomaaliya.

By Kulane
Last updated: June 9, 2023
3 Min Read
Share

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyey ixtiraamkooda ay u hayaan siyaadada, wadajirka dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Dalka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee dhaca Woqooyiga Soomaaliya, kaas oo sababay waxyeellooyin soo gaaray shacab badan iyo barakaca in ka badan 150,000 qof. Waxay muujiyen in ay tiiraanyadana la qaysanayaan , oo ay tacsi u dirayaan qoysaska dhibbaneyaasha, waxa ayna caafimaad taam ah oo degdeg ah u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay dagaalada.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyey dadaalada iyo isku-dayga ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya iyo odayaal dhaqameedka  ee ku aaddan xaqiijinta xabad-joojin, oo sidoo kalena dhiirrigelinaya wadaxaajood qaran oo loo dhan yahay oo ay Soomaalidu leedahay.

Waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay gaaraan heshiis xabad-joojin degdeg ah, waxayna ku dhiirrigeliyeen inay galaan wadahadal loo dhanyahay iyo in khilaafka lagu xaliyo si nabad ah, iyagoona ugu baaqay Halwgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) inay taageero dheeraad ah u fidiyaan si waafaqsan waaibaadka hawlgalka, oo ay ka mid tahay la xiriiridda dhammaan dhinacyada haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac weyn ka muujiyey dhamashadii iyo dhaawacyadii ka dhashay dagaalka Laascaanood bishii Disembar 2022, kadib markii ay Ciidamada Ammaanka Somaliland awood u isticmaaleen bannaabaxyo, sida ku xusan warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee 16 Febraayo 2023 ee summadeedu tahay (S/2023/109). Goluhu wuxuu cambaareeyey isku dhacyada rabshadaha leh ee u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo. Waxay cambaareeyeen dhammaan falalka guracan ee lagula kaco dadka rayidka ah, iyagoo sida ugu kulul u dhaleeceeyay waxyeellooyinka rayidka iyo burburkii loo geystay kaabayaashii adeegga bulshada ee uu dagaalka sababay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay in Ciidamada Ammaanka Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, uguna baaqay dhammaan dhinacyada inay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo qaboojiyo, si loo hirgeliyo is-aaminaad iyo in la abuuro jawi nabadeed.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dhammaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya. Waxayna dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyey walaacooda ku aaddan saamaynta dagaalku ku yeeshay xaaladda bani’aadinnimo ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, iyadoo ay kasii dartay barakaca iyo dhibta ay sababtey abaarta 2022-kii. Goluhu wuxuu dhammaan dhinacyada ugu baaqey inay oggolaadaan, ayna fududeeyaan

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo lagu soo dhoweeyay Beijing

Beijing-(SONNA)-Safiirka cusub ee ay dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Shiinaha danjire Hodan Cusmaan Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyay Caasimadda waddankaas…

GudahaWararka
November 19, 2024

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo ku baaqay in labada Gole ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay…

GudahaWararka
August 23, 2023

SoDMA oo diyaarado gargaar wada u dirtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa maanta markale gaarsiisay saddex diyaaradood oo sida shixnado gargaar ah degmada Diinsoor ee…

GudahaWararka
November 4, 2024

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee…

GudahaWararka
June 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023