Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Qaramada Midoobay oo warmurtiyeed  ka soo saaray xaaladda soomaaliya.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaramada Midoobay oo warmurtiyeed  ka soo saaray xaaladda soomaaliya.
Gudaha

Qaramada Midoobay oo warmurtiyeed  ka soo saaray xaaladda soomaaliya.

By Kulane
Last updated: June 9, 2023
3 Min Read
Share

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyey ixtiraamkooda ay u hayaan siyaadada, wadajirka dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Dalka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee dhaca Woqooyiga Soomaaliya, kaas oo sababay waxyeellooyin soo gaaray shacab badan iyo barakaca in ka badan 150,000 qof. Waxay muujiyen in ay tiiraanyadana la qaysanayaan , oo ay tacsi u dirayaan qoysaska dhibbaneyaasha, waxa ayna caafimaad taam ah oo degdeg ah u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay dagaalada.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyey dadaalada iyo isku-dayga ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya iyo odayaal dhaqameedka  ee ku aaddan xaqiijinta xabad-joojin, oo sidoo kalena dhiirrigelinaya wadaxaajood qaran oo loo dhan yahay oo ay Soomaalidu leedahay.

Waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay gaaraan heshiis xabad-joojin degdeg ah, waxayna ku dhiirrigeliyeen inay galaan wadahadal loo dhanyahay iyo in khilaafka lagu xaliyo si nabad ah, iyagoona ugu baaqay Halwgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) inay taageero dheeraad ah u fidiyaan si waafaqsan waaibaadka hawlgalka, oo ay ka mid tahay la xiriiridda dhammaan dhinacyada haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac weyn ka muujiyey dhamashadii iyo dhaawacyadii ka dhashay dagaalka Laascaanood bishii Disembar 2022, kadib markii ay Ciidamada Ammaanka Somaliland awood u isticmaaleen bannaabaxyo, sida ku xusan warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee 16 Febraayo 2023 ee summadeedu tahay (S/2023/109). Goluhu wuxuu cambaareeyey isku dhacyada rabshadaha leh ee u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo. Waxay cambaareeyeen dhammaan falalka guracan ee lagula kaco dadka rayidka ah, iyagoo sida ugu kulul u dhaleeceeyay waxyeellooyinka rayidka iyo burburkii loo geystay kaabayaashii adeegga bulshada ee uu dagaalka sababay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay in Ciidamada Ammaanka Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, uguna baaqay dhammaan dhinacyada inay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo qaboojiyo, si loo hirgeliyo is-aaminaad iyo in la abuuro jawi nabadeed.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dhammaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya. Waxayna dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyey walaacooda ku aaddan saamaynta dagaalku ku yeeshay xaaladda bani’aadinnimo ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, iyadoo ay kasii dartay barakaca iyo dhibta ay sababtey abaarta 2022-kii. Goluhu wuxuu dhammaan dhinacyada ugu baaqey inay oggolaadaan, ayna fududeeyaan

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay dalka Turkiga iyo…

GudahaWararka
December 24, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan casho sharaf ah la qaatay maamulka dugsiga gabdhaha Agoonta

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Maamulka,…

GudahaWararka
January 19, 2024

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay xuska maalinta dhalinyarada Turkiga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
May 19, 2025

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka Xarardheere

Xarardheere-(SONNA)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faarax Fiidow oo ay wehliyaan Mas'uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka degmada…

GudahaWararka
September 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023