Xujeyda Soomaaliyeed ee maalmahaan ku sugnaa Magaalada Madiinah Al Munawarah ayaa bilaabay in ay u baqoolaan magaalada Makkah Al Mukkarama ee Dalka Sacuudi Carabiya.
Illaa Kun iyo shan boqol qof oo ka mid aheyd xujeyda ayaa loo daabulay Magaalada Maka,halka 1634 qof ay weli ku sugan yihiin Madiiba Al-munawara.
Guddoomiyaha bicsada soomaalida ee u xilsaaran soo dhoweynta xujeyda Dr.Ibraahim Yuusuf Cabdi ayaa sheegay in illaa hadda ay soo dhoweeyeen tiro dad ah oo gaaraya 3193 ruux oo Soomaali ah,isla markaana ay u sameeyeen adeegyo hufan oo wax ku ool ah.
Duulmaadyadii xujeyda ayaa weli socda,waxaana la filayaa in dad gaaraya 8 kun oo xujeey ay sanadkaan gaaraan Dalka Sacuudi Carabiya