Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka la doortay ee dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Alle ugu baryay inuu mas’uuliyada culus ku asturo.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in la adkeyn doono xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo udub dhexaad u ah wada shaqeynta iyo aqoon is weydaarsiga labada Baarlamaan.