Muqdisho. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheynaa oo ciidanka DANAB ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland, halkaas oo lagu beegsaday xubno sar sare oo ka tirsanaa Khawaarijta A-shabaab.
Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Beer-xaani waxaana lagu beegsaday horjooge ay si weyn u doon dooneysay Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Muumin Dheere, sidoo kale, waxaa dhagarqabahan baadi goobayay Mareykanka.
Horjoogahan ay ciidanka gaar ah ee DANAB dileen ayaa Khwaarijta u qaabilsanaa dagaal gelinta maleeshiyaadka argagixisada ee ku sugan Jubbooyinka.
Inta uu socday howlgalkan, sidoo kale, waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo hubeysanaa, kuwaas oo loo diyaarinayay qaadidda weeraro ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaase ka hortegay dhagartooda ciidamadaXoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidamadan howlgalka ah fuliyay ayaa gacanta ku soo dhigay Baabuur iyo maleeshiyaad nool nool oo ka badbaaday howlgalka inta uu socday, waxaa sii xoogeysanaya howlgallada gaarka ah ee lagu ugaarsanayo horjoogayaasha ku dhuumaaleysanaya deegaannada leh dhulka keynta ah, halkaas oo ay naftooda ku maaweelinayaan.
Ciidamada qalabka sida oo ka warqaba ayaa uga daba tegay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka gododka iyo dhirta ay ku hoos dhuumanayaan si uga hortagaan dhagarta ummadda Soomaaliyeed ay halkaas uga soo maleegayaan Khawaarijta Al-shabaab.