Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay dalka Senegal isku dhacyo dhexmaray booliska rabshadaha ka hortaga iyo taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka ninka lagu magacaabo Ousmane Sonko, ka dib markii maxkamad ay ku xukuntay labo sano oo xarig ah.
Baabuur iyo basas ayaa lagu gubay magaalada caasimadda ah ee Dakar, waxaana rabshado ย laga soo sheegay magaalada Ziguinchor oo uu duqa magaalada ka ahaa Sonko tan iyo 2022-kii,sida uu ku waramay Wasiirka Arrimaha Gudaha Antoine Diome.
Xarigga hogaamiyaha mucaaradka ayaa yimid xilli uu u diyaargaroobaayey doorahada madaxtino ee sanadka soo socda,taas oo la filaayey in uu la tartamo Mmdaxweyne Macky Sall.
Sonko oo 48 jir ah ayaan ka qaybgalin dhegeysiga dacwadda lagu soo oogay oo ahayd uu kufsaday haweenay 20 jir ah, balse wuxuuna horay u sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan.