Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DEG DEG: Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    January 31, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Munaasabad kagu taageerayay maamulka W/Bari kaga qeyb galay London
    January 31, 2026
    Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka
    January 31, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    January 31, 2026
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis la xiriira deeq waxbarasho oo heerka PHD ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis la xiriira deeq waxbarasho oo heerka PHD ah
GudahaWararkaWaxbarashada

Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis la xiriira deeq waxbarasho oo heerka PHD ah

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 28, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shalay galinkii dambe goobjoog ka ahaa heshiis la xiriira deeq waxbarasho loogu fidinayo arday Soomaaliyeedย , kaas oo ay ka saxiixdeen hayโ€™adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midioobe ee UPEACE.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala galay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba socotaa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soomaali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD.

Hayโ€™adda Qatar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madaxweynaha waxay magaalada Muqdisho kula saxiixatay Jaamacadda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sare ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo madaxa hayโ€™adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxbarasho.

โ€œGuddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtooyada, hayโ€™adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu kala saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarashoโ€ ayuu yiri wasiirka.

Madaxa hayโ€™adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin. oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri โ€œWaxa la doonayaa lagu xoojiyo tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya burbur, waxbarashadana u baahantahay tayeyn xoogganโ€

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

โ€œWaxaan doonaynaa in aan xallino dhibaatada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaaliyeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxbarashada sareโ€ ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horumarinta

2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogtada ah

3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta

4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowladnimada, horumarka, hoggaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu shaki laโ€™aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

DEG DEG: Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,SONNA;- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay markii labaad in ay qaadanayso 3,000 oo Macallimiin ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarshada XFS Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagtay qorshaha dowladdu ay ku qaadanayso mar…

GudahaWararka
July 3, 2024

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo aya wehliyaan mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiirka…

GudahaWararka
November 2, 2020

Safaradda Soomaaliya ee Hindiya oo markale dalka dib ugu soo celisay muwadiniin dalkaas ku xayirnaa

Muadisho:(SONNA)-Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa markii labaad ufududeesay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalka Hindiya ku xayirnaa tan iyo markiiย …

Wararka
June 20, 2020

Ciidanka NISA oo Gacanta ku Dhigay Shabakad Argagixiso

Muqdisho(SONNA):- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa…

GudahaWararka
January 23, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023