Muqdisho.(SONNA):- Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ay ka baxsadeen deegaanno hoostaga gobollada Jubbooyinka, halkaas oo loogu hayay si loogu shubo dabka dagaalka.
Maleeshiyaadkii ugu badnaa ayaa ka baxsaday xero ku taalo degmada Jamaameย oo lagu tababarayay maleeshiyadkan, kuwaas oo diidanaa dagaalka ay Khawaarijtu kula jiraan Dowladda.
Maleeshiyadkan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib,laakiin la xaqiijiyay in ugu yaraanย Sagaal ka mid ah ay ahaayeen Kenyan ayaa doonaya in ay isku dhiibaan ciidanada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Jubbada hoose.
Xogta ay heshay warbaahinta qaranka ayaa ku warameysa in maleeshiyaadka ka baxsaday xerada ku taalo Jamaame ay ka war heleen horjoogayaasha Khawaarijta,islamarkaana loo diray maleeshiyaad kale si xeryahoodii ugu soo celiyaan.
Wabiga Jubba oo biyihii buux dhaafiyeenย ayay ka doorbideen dhallintan baxsadka ah in ay isku Shubaan si naftooda u badbaadiyaan, taas oo ahayd tallaabo kale oo qatarteeda xambaarsan.
Qaar kale oo maleeshiyaadka baxsad ka ahaa khawaarijta Al-shabaab oo naftooda ku biimeyn waayay wabiga ayaa isku shubay keymaha iyo dhulka howdka ah si aan loo soo qaban.
Maleeshiyadkan Khawaarijta ah ayaa iska tuuray Buundada “RRA” oo 5km u jirta deegaanka Baarsanguuni oo fariisin u ah ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland., halkaas oo ahayd meesha ay iska dhiibi rabeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta.
Ajaaniibta la socotay Soomaalida ee ka soo baxsaday xero Khawaarijta ku lahayd meel ka tirsan degmada Jamaame ayaa ka soo kala jeeda Dalalka Kenya iyo Tanzaaniya.