Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa maanta lagu daahfurayaa magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxa daah furaya Ra’iisulwasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.
Madax ka socota haya’addaha kala duwan ee dowladda iyo wufuud ka socota Beesha caalamka ayaa ka qayb gelaysa shirkan iyadoo lagu soo bandhigi doono doodo kala duwan.