Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Ergeyga oo marka hore warbixin ka siiyay halka ay mareeyso arrimaha wadahadallada Soomaaliland iyo kullamada wadatashi ee uu la yeelanaayo madaxda sare ee dalka, ayaa wuxuu Guddoomiyaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, isagoona muujiyay sida Jamhuuriyadda Federaalka gaar ahaan laanta sharci dejinta ay u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.