Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa caawa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB-2023) oo sanadkan lagu qabanayo Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sidoo kale inta uu ku sagun yahay Magaalada Jidda waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galaysa shirka Bangiga Horumarinta Islaamka, isagoo kala hadli doona arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya.