Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran
    July 25, 2025
    Wasiirka gaashaandhiga XFS oo la kulmay wasiirka warshadaha difaaca dalka Azerbaijan
    July 25, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)
Maqaallada

Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 11, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Inta la socotay qeybaha hore ee Barnaamijka ” Diiradda”, warbaahinta qaranka waxaan ku baahinay in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ka soo jeeda Ceelbuur ay daneynayaan in hubkooda ay ku wareejiyaan odayaasha dhaqanka ka hor inta aysan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka cagta marin meelaha maleeshiyada Al-shabaab haraadiga kaga yihiin.

Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku doonayeen hubka Al-shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale, ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo ka mid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable,Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras,waxayna odayaasha dhaqanka si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Al-shabaab horjooge Gaagaale.

Horjooge Gaagaale ayaa doonaya inuu odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyadoo maleeshiyada u muuqato in aysan u babc dhigi karin ciidamada qalabka sida ee hadda kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Garable kula shiray horjooge Gaagaale ayaa waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn odayaasha reer Ceelgaras ay magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi daraateedna haddii uu doonayo Gaagaale wadahadal la galo Dowladda ama isaga tago deegaanka.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa markale isku dayay inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras,laakiin odayaashu ay si isku mid ah isugu raaceen in xilligan aysan la wareegi karin hub Shabaab ay leeyihiin.

Diidmada odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelgaras ay ka biyo diideen dalabka ka yimid horjoogaha ku beybta ah ee Maxamed Xuseen Gaagaale ayaa ka dhigan in Al-shabaab markale, warkooda aan ka socon degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan.

Tani waxay u muuqataa in horjooge Gaagaale uu ku fashilmay isku daygiisa, waxaana isku daygan fashilmay kala cadeyneysaa in odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku ku dhow dhow hadda ay si toos ah ugu hor imaanayaan awaamiirtii qaldaneyd ee horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab, odayaasha dhaqanka deegaanka siinayeen muddooyinkii dhowr iyo tobanka Sano ahayd ee deegaannadaas xoogga ay ku haysteen.

Kaliya ma ahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan meelaha ay Al-shabaab odayaasha dhaqanka kaga hor yimaadeen, dhawaan ayay ahayd markii odayaasha dhaqanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay awaamiir qaldan ka diideen Khawaarijta Al-shabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adaha amniga oo ku guuleystay in ay fashiliyaan Dhagarta aan muuqan ee Khawaarijta (Warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- 18-kii May, Sanadkan 2023, todobaadkii hore Al-shabaab waxay lumiyeen Kunteenar hub iyo walxaha qarxa isugu jira oo ay doonayeen…

Maqaallada
May 25, 2023

Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada heysa haatan iyo Madaxdii hore,…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
July 15, 2023

Soomaaliyaย  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya oo kaashanaynsa shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda Turkiga ku wareejisay ku dhawaad shan malyan oo Dollar oo ay ku…

GudahaMaqaalladaWararka
March 6, 2023

Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).

Muqdisho(SONNA):-Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin). Magaceeda…

MaqaalladaWararka
May 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023