Muqdisho.SONNA… Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhowaan dalka laga bilaabi doono Mashruuc ku saabsan bixinta kararka aqoonsiga ee dadweynaha.
Wasiirka ayaa xusay in mashruuca aqoonsiga dadweynaha u yahay mid ugub ah oo ku cusub dalka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in qof kasta oo muwaadin ah uu ka qeybqaato sidii loo hirgalin lahaa.
Wasiir Fiqi aya qiray in waqtiyada soo socda loo howlgalayo fulinta mashruuca aqoonsiga dadweynaha ,gaar ahaan bixinta kaararka aqoonsiga qaran oo uu tilmaamay in uu yahay mid isku furaya dalka iyo dalalka deriska ahย .
Maareeyaha Hayโadda Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qarankaย ayaa sheegay in habraaca diwaangalinta aqoonsiga qaranka ay ujeedadu tahay ย in qofka muwaadinka laga hayo xogta ugu yare ee qofka lagu ogaan karo.