Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah, afar kalena waa ay dhaawaceen ,kadib weerar ay ka fuliyeen magaalada Nablus oo dhacda waqooyiga dalkaasi.
Ciidamada iyo sirdoonka Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in laba ka mid ah ragga la dilay ay ka dambeeyeen toogasho ka dhacday 7-dii April waqooyiga magaalada Jericho,halkaas oo ay ku dhinteen laba gabdhood oo walaalo ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin iyo Bisha Cas ayaa xaqiijisay in saddex falastiiniyiin ah ay dileen ciidamada Israel manta oo khamiis ah,halka afar qof oo dhaawac ah loo gudbiyay isbitaalka.
Dhinacyada siyaasadeed ee ku sugan Nablus ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin guud oo ay maanta oo Khamiis ah ka sameynayaan magaalada si ay uga jawaabaan weerarka.
Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 110 falastiiniyiin ah, oo 20 ka mid ah ay caruur yihiin illaa iyo hadda.