Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali xaaji Aadan Abuukar iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya, Mudane Axmed Cali Daahir ayaa kulan casho ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika Dr. Pradeep Rajpurohit.
Kulankaasi,waxaa ka eybgalay Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Abdifafah Abdullahi Nur iyo Mudane Axmed Aadan Maxamed oo ah lataliye sarre ee nidaamka caafimaadka.
Casho sharaftaasi kadib,waxaa dhinacyadasi ay ka wadahadleen sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa fiisooyinka (visa)caafimaadka gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.
Kulankaasi,waxaa la isku afgartay In dowladda Hindiya Soomaaliya ka fuliso adeeg caafimaad oo dib u kabasho loogu sameynayo dadka addimahooda ku waayay dagaalada ka dhaca Soomaaliya,waxaana la filayaa in dhowaan tiro gaareysa shan boqol oo bukaan in looga faa’iideeyo helida lugo macmal ah.
Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ,isagoo maamulka cisbitaalka ka dalbay in dadka Soomaaliyeed la siiyo adeegyo hufan, waxaana maamulka cisbitaalka ay ballan qaadeen in ay si deg deg ah uga jawaabi doonaan codsiyada wasiirka.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku guda jireen booqashadooda rasmiga ah ee dalka Hindiya waxay kulamo kala duwan la qaateen hey’addaha caafimaadka dalka Hindiya.
Dowaladda Hindiya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay uu deeqi doonto shixnado daawo ah iyo qalab kale oo caafimaad,taasoo lagu caawini doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa jooga goobaha ay ka jiraan dagaalada .