Waxaa sii kordhaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof todobaadkaan.
Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa wada xabbad joojin saddex maalmood ah oo loogu talagalay xusaka ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.
Ciidanka RSF ee ka horjeeda dowladda,waxa ay ogolaadeen xabbad joojin 72 saacadood ah ,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antรณnio Guterres ayaa codsaday xabbad joojin si loogu oggolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobo badbaado leh.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ka codsaday hogaamiyayaasha millatariga ee dagaalamaya si gooni gooni ah inay ku biiraan xabad joojin ugu yaraan ilaa Axada.
War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in Gen Burhaan uu taleefoono ka helay madaxda Turkiga, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Mr Blinken iyo wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga iyo Qatar.