Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay kaladi waayeen geesiyaasha xoogga dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo soo afjaray waayihii amar kutaagleynta iyo ka been sheegida diinta islaamka.
Khawaarijta ayaa hadda ku jiraa maalmahoodii ugu xumaa kadib markii ay ku jabeen dagaalka ay dowladda garwadeenka katahy,waxana khilaaf xoogga uu soo kala dhaxgalay horjoogayaasha ugu sar-sareeysa khawaarijta iyo maleeshiyaadkood oo isku khilaafay aan is dhiibnno iyo Maya waan dagaalameyna,iyadoo khawaarijta qaar ay hubkooda ay ku wareejiyen beelaha ay ka soo jedaan si loo bad-baadiyo.
Wararka ay warbaahinta qaranka ka heleeyso gobolada jubooyinka ayaa ku soo waramayo in hadda kooxda khawaarijta ay billaabeen in ay afduubtaan odayaasha ku dhaqan degaannada ay ku dhuumaleeysanayaan gaar ahaan kuwa kuyaal koonfurta soomaaliya.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in khawaarijtu odyaal badan oo ay ka afdubteen degaanno katirsan gobolada Gado jubbada Dhexe, jubbada Hoose kuwaa oo la isugu geeyay magaalada Saakoow.
Afduubka odayaashan waxa khawaarijta u qaabilsan horjooge Maxamed Abuu Cabdalle oo ugu magacaaban jubooyinka,kana soo jeeda magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan iyo horjooge Sahal Abuu Maraan oo isna ugu magaacaban gobolka Gado kana soo jeedo magaalada laascanood ee gobolka Sool.
Odayaasha ay soo xir-xireen labada horjooge waxaa midkiiba lagu xukumay islamarkaana qasab looga dhigay in ay bixiyaa boqol Qoray iyo boqol wiil madamaa ay khawaarijtu hub iyo dhaqaalo intaba ku weysay howlgallada dalka ka soconayo,warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale ogaatay in odayaasha dhaqanka ee lagu xir-xiray Sakoow ay kor udhaafayaan 40-oday,kuwaa oo khawaarijta todobaadyadii ugu dambeyay ka soo afdubeen gobolada Gado iyo jubooyinka,madax furashada laga raba odayaasha waxa wehliya in maalmaha soo socda laga hadalsiin doonno si ay u soo jeediyaan hadala u muuqada tageerada kooxda,su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah muxuu maxbuusa la qabsaday ka hadlaa?!
Tallaabadaan ay khawaarijtu qaaday ayaa muujinaya in dhaqaala ahaan iyo awood ahaanba ay ku jabtay dagaalka ka dhanka ah oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo go’aansaday in ay iska dulqadaan cadawga Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab.
Dowladda soomaaliya ayaa dagaalka toosa ah mid dhaqaale iyo mid lagu joo jinayo faa’finta fikirkooda qaldan ayaa hadda u muuqdo mid ay dowlada iyo shacabka oo isku duuban ay ku guleeysteen,waxan khawaarijta laga saaray degaanno iyo dagmooyin dhowr ah oo katirsan gobolada dalka oo mudda kabadan 15-sano ay dhibaata ku hayeen shacabka ku dhaqan,kuwaa oo hada dareemayo Neecaawda dowladnimo.
Khawaarijta ayaa hadda wajahaya xaalad quusa ah,taa oo ku qasbeeyso in ay isku soo dhiibaan dowlada halka inta diidana wajibkooda lamarin doono waxana halkaa ku dhamaanayo wayihi gumeeysiga iyo caga jugleeynta ay ku heysay argagixisada ummadda soomaaliyeed.