Sarkaal sare oo u hadlay Masar ah ayaa beeniyay in Ruushka ay siiyeen 40,000 oo gantaallo ah, si dalkaasi ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa Talaadadii la hadlay shabakada wararka ee Al-Qaahira, kadib warbixin ay daabacday maalin ka hor Washington Post.
Wargeyska oo soo xiganaya ย dukumentiyadaย sirta ah ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda dalkaasi ay si sir ah u gudbiyeen qalabkaasi,iyadoo lagaย fogaanayo dhibaatooyinka reer galbeedka.
Sarkaalkaan ayaa ku tilmaamay warbixinta Washington Post warar been abuur ah ,wuxuuna intaa ku daray in Masar ay raacday siyaasad ahaan nidaamka isku ย dheellitiran ee lagu goโaamiyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dunida.
Qayb ka mid ah dukumeentiga sirta ah ee ku taariikhaysan 17-kii Febraayo ,waxaa masar ย lagu eedeeyay inay Ruushka siiyaan madaafiic iyo baaruud.