Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo Khawaarijta looga sifaynayo ka wada deegaannada Ceel-Heele, Ceel-Dhiigsaar iyo Kalabayr oo u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanku gudaha u galeen.
Weriyaha Warbaahinta Qaranka Axmed Salaad Sheekh oo la socda ciidanka ayaa ku soo waramaya in ilaa shan eedeysane oo lagu tuhmayo inay Khawaarijta ka mid yihiin gacanta lagu dhigay, kuwaas oo hadda uu baaritaan ku socdo.
Khawaarijta ayaa ka cararaya deegaanada cusub ay isku ballaariyeen ciidanka iyadoo aysan jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmayaan ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.