R/ wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa yiri โAasiya waa inay ka fogaato qas iyo isku dhac haddii kale mustaqbalka gobolka waa la lumin doonaa.
Hadaladaasi ayaa yimid waqti R/ wasaaraha uu ka hadlay madasha sannadlaha ah ee Boao Forum for Asia ee jasiiradda Hainan ee Shiinaha,halkaas oo ay isugu tageen hogaamiyaal siyaasadeed iyo ganacsato.
Mr.Li ayaa sheegay in Shiinuhu uu noqon karo mid xarun u ah nabadda adduunka iyo xasilloonida,xilli Shiinaha uu wajahayo tartan kulul oo uu kula jiro Mareykanka .
Hogaamiyayaasha siyaasadda ee ka qeybgalaya kulanka madashaasi waxaa ka mid ah Raโiisul Wasaaraha Spain Pedro Sรกnchez oo lagu wado in uu noqdo madaxweynaha Midowga Yurub bisha July iyo Raโiisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim.
Sidoo kale Agaasimaha Maamulka IMF Kristalina Georgieva oo saaka ka hadashay madashaasi.ayaa ka warantay baahida loo qabo iskaashiga iyo wadajirka si looga gudbo dhibaatooyinka,isla markaana in xal loo helo dib u soo celinta ganacsiga caalamiga ah.
Madashaasi waxaa ka qeybgalay ganacsato ay kamid yihiin madaxa fulinta Apple Tim Cook, madaxa fulinta HSBC Noel Quinn, iyo aasaasaha Blackstone Stephen Schwarzman.