Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 27, 2023
8 Min Read
Share

Inta aan u guda galin dulucda Warbixinta aan yara jaleecnno taariikhda Degmada Baardheere, Magaalada Baardheere waa magaalo aad u fac weyn waxay oo ku taal koonfurta gobolka Jubbada sare ama loo yaqaan Gobolka Gedo. Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Soomaaliya ugu horreeyey uguna faca weyn oo laga aas aasay meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Soomaaliya. Baardheere waxay u jirtaa xeebta Baraawe masaafo qiyaastii dhan 250 km. Juqraafi ahaan, Baardheere waxa u dhow Dhul baraha oo u qeybiyo dunida waqooyi iyo koonfur. Cimiladeeda Baardheere waa mid diiramad ah, taas oo u sahlineysa in sanadka oo idil beeraha laga faa’ideysan karo marka la istimaalayo waraabka beeraha.

Waxa magaalada Baardheere laga dhisi rabay biyo xireen aad weyn loona yaqaanay Markabley, oo gabo-gabo ku sugnaa ka hor inta aysan burburin dowladdii dhexe mashruucii biyo xireenka Markabley, kaa soo ahaa mid dowladdii dhexe ay rabtay in karonto laga dhaliyo, kadibna loo qeybiyo dhammaan gobolada dalka iyo wadamada deriska sida Kenya iyo Ethiopia.

Baardheere waxay ku jirtey magaalooyinkii istaraajiiga ahaa ee uu gumeystaha Ingriiska iyo talayaaniga saldhigyada ka dhigtey. Qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey ayuu gumeystaha marba si u degenaa magaalada Baardheere. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaaย 1960kiiย ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen iyadoo qoraalo badan oo xusayo dhacdooyin taariikh leh ay ka dhaceen Bardhere.

Waxaa jirta sida aan la wada soconno in Degmada Baardheere uu ku dhuftay Roobab watay Daadad, marna laga dareemay sida wax u eg dhul go’, waxayna khasaare ka soo gaartay Bulshada ku dhaqan halkaasi, xitaa waxaa jira in Daadadku ay qaadeen Xoolihii ay dhaqanayeen, sidaasi awgeed waxaa loo istaagay sidii loo caawin lahaa Dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dhawaan gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmo ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba, kadib Roob xooggan oo halkaas ka daโ€™ay , taas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 7-ruux halka Maalmo ka horreeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka daโ€™ay ay ku dhinteen 13 qof, ย taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof, ย halka dadka dhawacyada ay halkaas ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan ilaa laba qof oo rayid ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Ahmed Cismaan,Sanatar Abdullaahi Sheikh Ismaacil fartaag,waxaana hayโ€™adda maareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wadda shixnad Gargaar ah oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay musiibooyinkii is xig-xigay ee ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxayna sheegeen in laba diyaaradood oo sida gargaar isugu jira dawo iyo cuno ah oo ay iska kaashadeen Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ay gaarsiinayaan Magaalada Baardheere, si loo gacan siiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna baaq u direen Heyadaha Caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha Biniโ€™aadannimada.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo gabagabadii ka hadlay dhibaatada ka dhacday Magaalada Baardheere ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan Dadka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto Togga Baraxleey ee ku soo rogmaday Daadku Degmada Baardheere, kaasi ay Dad badan waxyeello ka soo gaartay, wuxuuna xusay in xoogaa kaalmo ah la gaarsiiyay, in kale la filaayo in ay dhawaan la gaarsiiyo.

Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa baaq ka soo saaray xaaladda baniโ€™aadannimo ee ka jira Baardheere, waxaa ilaa iyo hadda la gaarsiiyay Magaaladaasi Raashin iyo Daawo balse waxay masuliyiinta sheegeen in laga filaayo dhawaan inay halkasi gaaraan waxyaabo intaasi ka badan, waxaana ku soo biiraya Heyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Biniaadannimada iyo tan Caafimaadka Adduunka (WHO),ย  ugu dambeyntii waxay sheegeen inay u mahadcelinayaan cid kasta oo gacan ka geysata howsha gurmadka Dadka Baardheere oo ay mussiibo Rabbaani ah ay ku dhufatay

Ganacsade lagu magacaabo Aaden Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanka ayaa sheegay in bakhaaradii Raashin iyo waxyaabaha la cabo ay noqdeen kuwo Daadku qaado iyo kuwa qoyay, โ€œmarka waxaa Degmada soo foodsaaraya xaalad cunno xumo iyo Hoy laโ€™aan, waxaa kaloo jira in Gawaari badan ay iyaguna ku xayiran yihiin Buundada goโ€™day korkeeda iyo Daafaha Degmadaโ€, wuxuuna codasaday in si dhaqsi leh dib u dhis loogu sameeyo Buundada Baardheere iyo Biyo xireenadii kaleba, si uu u bolowdao habsami u socodka Dadka iyo Gaadiidka, loona kala goosho Gobolada kale ee Dalka.

Maamulka Degmada Baardheere ayaa waxay bogaadinayaanย  Heyโ€™adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo gurmadย  u codsatay iyo in Gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadaka ku waxyeeloobay Roobabkii iyo Daadadkii ka dhashay, kuwaasi oo saameeyay Dadka Degmada, โ€œ waxaan kaloo aan codsaneynaa in dib-u-dhis lagu sameeyo buundada Baardheere ee Gobalka Gedoโ€.

โ€œBuundoonyinka ย Dalka ayaa la daalaa dhacayo bur bur iyo Dhibaato dayactir la’aan oo in muddo ahba bulshada Soomaaliyeed ku dhiban yihiin.Waxaanna ugu baaqaynaa masโ€™uuliyiin Dalka in arrinkaa xoogga saaraan si bulshada wax loogu celiyo, dalkuna bilicdiisa ku soo noolaatoโ€.ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa jira in Guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya intooda badan ay ka curteen Roobabkii Xilligii Guโ€™ga, kaasi oo badi uu ka daโ€™ay iyo waliba Wadamada Deriska ah gaar haan Dalka Itoobiya oo uu ka yimaadaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa waxaa dhici kara in ay sameeyaan Fatahaad geysan karta khasaare isugu jirta dhinacyada Dalagyada Beeraha iyo tan dadka, sidaasi awgeed ayaa waxa soo yeeraya in Farriimo badan oo ku aadan dadka dega ama uu maro Webiyadaasi gaar haan kan Webiga Shabeelle.

Farriintaani waxay ka timid Nin Odey ah oo ku dhaqan Deegaanka Iimeey Galbeed ee Dowlad Deegaanka Soomalida, kaasi oo soo diray muuqaal Webiga Shabeelle oo aad u biyo keenay, islamarkaana wata Daadad ku fiday dhul ballaaran oo ku qiyaasay ballaar haa ilaa 5 km, โ€œSheeko iyo Shahid laguma arag Webi shabelle oo biyo intaa la eg wada, marka waxaan leeyahay halaga fogaadoโ€ โ€œFARRIINTAAN YAAN LA FUDUDEYSANNAโ€, waa uu sii raaciyay.

Haddaaba maxaa la gudboon Dadka Dega Deegaanada la sheegay? Waxaa la gudboon in Dhulka Webiga Shabeelle uu maro, Dadka deggan waa iney ka digtoonaadaan Biyahaasi uu wado Webiga, kaasi oo keeni kara Biyo-bixid baahasan, loona diyaargaroobo sidii loo xakameyn lahaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray Isbitaalka Demartimo

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda…

GudahaWararka
February 7, 2024

Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)

Khawaarijta waxaa ku socda burbur iyo kala firxad, taasi maxaa u sabab ah? Waxaa u sabab ah kadib markii cadaadis…

GudahaMaqaallada
November 22, 2023

Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)

Dad isjecel iyo dal dhisan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista…

GudahaMaqaallada
July 10, 2021

Maxkamadda Rafcaanka oo maalintii labaad dhegaysanaysa Dacwadda Masโ€™uuliyiin loo haysto Musuq maasuq

Muqdisho(SONNA):-Maxakamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta u fariisatay dacwadda Rafcaanka ay eedeysanayaasha ka yihiin saraakiil ka tirsan Hayโ€™adda…

GudahaWararka
November 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023