Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa Wasaaradda, waxaana uu warbixino la xiriira hawlaha waxqabad ee Wasaaradda uu ka dhageystay Agaasime Waaxeedyada iyada oo si gaar ah halkaas looggu bandhiggay Hindise Sharciyeedka Tartanka Xorta ah (Fair Competition Act)
Sharcigan, ayaa ahmiyad weyn u leh in shirkadaha ganacsigu ay si xor ah ugu tartamaan suuqa, waxaana uu kala xadaynayaa xad-gudubka shirkadaha ama shaqsiyaadka gancsiga, taas oo ugu dambeyn kor u qaadeysa hal-abuurka islamarkaana dhowraya macaamilka.
Hindise Sharciyeedkan, ayaa ujeedkiisu yahay in uu dhiirigeliyo jawi tartan oo ku dhisan ganacsi xor iyo xalaal ah, kana hor tagayo falalka guracan ee suuqyada/ganacsiga si loo kordhiyo waxtarka wax-soosaarka, qeybinta iyo daabulaada badeecadaha iyo adeegyada, dhiirigelinta hala-buurka iyo weli ba Abuurista jawi ku haboon malgeshiga dalka.