Xafiiska Pentagon-ka ayaa sheegay in dhowr weerar oo xagga cirka ah ay ka fuliyeen bariga Suuriya,halkaas oo lagu weeraray kooxo isbahaysi la ah Iran .
Weeraradaan oo dhacay habeenimadii Khamiista waxay aargoosi u ahaayeen weerar lagu qaaday saldhig ay leeyihiin isbahaysiga uu hoggaamiyo ย Maraykanku oo u dhow deegaanka Hassakeh ee dhaca waqooyi bari Dalka Suuriya,halkaasi oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ku dileen nin qandaraasle ah , mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay shan askari oo Maraykan ah.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in weeraradaasi lala beegsaday kooxo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGG) ee ku sugan bariga Suuriya.
“Sida uu madaxweyne Biden caddeeyey, waxaan qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u difaacno dadkeenna, waxaana mar walba ka jawaabi doonnaa waqtiga iyo goobta aan dooranay,” Austin ayaa yiri.