Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
    Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
GudahaWararkaWaxbarashada

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

By Kanaava Mohamed
Last updated: March 24, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 12- sano ah, sanadkana ay noqon doonto kii 13aad, kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh oo laga xoreeyay khawaarijta, taasi oo noqoneyso muddo kadib in degmooyinka khawaarijta laga xoreeyay ay fursad u heleen in ay ka mid noqdan tartamayaasha sanadkan.

“Sanadkan waxaa tartanka ku tartami doona 15 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah, maadaama Gobolka Banaadir uu ka koobanyahay 17 Degmo, sanadkan labo degmo kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa ka dhacday waqtigii isdiiwaangelinta, sidaas ayaana keentay in 15 degmo laga qaato Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 3aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan, isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 30 ka ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyinka dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, waxaana rajeynayaa in kuwa fara ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta laga sifeyn doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo, ayna tusaale u tahay bahda wax qorta oo buugaag ka diyaariyay, kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Diiriye iyo Maxamed Makhtar oo kala jooga degmooyinka Guriceel iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa si rasmi ah u daah furay tartanka “Ugu dambeyn Barnaamijka sanadkan waxaan u rajeynayaa, sida uu Agaasime Jeyte sheegay degmadii ku guuleysata waxa ay heleysaa abaal marin, anaguna waan ka qeyb qaadaneynaa dhankeena oo Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaliya kuma fiirsan doono”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka xanaanada xoolaha dowladda FS oo shir caalami ah uga qaybagalay Talyaaniga

Rome (SONNA): Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirt aiyo Daaqa dowladda FS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeybgalay…

GudahaWararka
July 22, 2024

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashigooda dhinaca duulista

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Talaadadii shalay qaabishay Safiirka Midowga Yurub…

GudahaWararka
June 5, 2024

Ra”iisul wasaare Xamse oo ku biiray Mudaharaadka ka socda Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Ra"iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda qaranka oo ku biiray Banaan baxa ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada…

GudahaWararka
January 11, 2024

Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya

Muqdisho.(SONNA):- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka,waanna…

GudahaWararka
November 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023