Muqdisho(SONNA):-Ajarka soonka laga helo waxaa dheer in dembina lagu dhaafo. Sida aan ugu tagi doonno soonka sunnaha ah, soonka maalinta carafa iyo maalinta caashuuraba Alle dembiyada ayaa uu ku dhaafaa. Sidaas oo kale, Ramadaan ka Ramadaan qofku haddii uu ka fogaado dembiyada waaweyn, Alle waxa uu u dhaafaa dembiyada yaryar ee ka dhaca.
الصَّلَواتُ الخَمسُ، والجُمُعةُ إلى الجُمُعةِ، ورمضانُ إلى رَمَضانَ؛ مُكَفِّراتٌ ما بينهُنَّ إذا اجتَنَبَ الكبائِرَ.
رواه مسلم (233).
Nebigu SCW waxa uu yidhi: qofkii Ramadaan sooma iyada oo ay ka tahay rumayn Alle iyo in soonku waajib ku yahay; iyo ajardoonnimo, waxaa loo dhaafaa dembiyadiisi hore.
مَن صامَ رمضانَ إيمانًا واحتسابًا، غُفِرَ له ما تقدَّمَ مِن ذَنبِهرواه البخاري (38)، ومسلم (760).
***
Nebigu SCW waxa uu yidhi: Jannadu waxa ay leedahay albaab la yidhaahdo Wabxiye (ar-Rayyaan) oo maalinta qiyaame ay Jannada ka galayaan kuwii soomi jiray, cid aan iyaga ahayna gali mayso; waxaa la odhanayaa meeye kuwii soomi jiray, markaas ayaa ay istaagayaan marka ay galaanna waa la xidhayaa oo cid kale gali mayso.
إِنَّ فِي الْجَنَّةِ بَابًا يُقَالُ لَهُ الرَّيَّانُ، يَدْخُلُ مِنْهُ الصَّائِمُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ، يُقَالُ: أَيْنَ الصَّائِمُونَ، فَيَقُومُونَ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ، فَإِذَا دَخَلُوا أُغْلِقَ، فَلَمْ يَدْخُلْ مِنْهُ أَحَدٌ.
Bukhaari: 1896.
Albaabkan Jannadu waxa uu u gaar yahay dadkii soonka badnaa. Xadiis kale ayaa sheegaya in qofkii ahlu salaad ahaa looga yeedhayo albaabka salaadda, qofkii ahlu jihaad ahaana albaabka jihaadka, qofkii ahlu soon ahaana albaabka Rayaan. Qofkii ahlu sadaqo ahaana albaabka sadaqada. Abuu Bakar RC oo goobta joogay ayaa Nebiga SCW weydiiyay: Rasuulkii Allow ma jiraa qof albaabbadaas oo dhan looga wada yeedhayaa? Nebigu SCW waxa uu yidhi: haa, waxaanna rejaynayaa in aad ka mid noqotid.
مَنْ أَنْفَقَ زَوْجَيْنِ فِي سَبِيلِ اللهِ، نُودِيَ مِنْ أَبْوَابِ الْجَنَّةِ: يَا عَبْدَ اللهِ هَذَا خَيْرٌ، فَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصَّلَاةِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الصَّلَاةِ، وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الْجِهَادِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الْجِهَادِ، وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصِّيَامِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الرَّيَّانِ، وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصَّدَقَةِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الصَّدَقَةِ، فَقَالَ أَبُو بَكْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ: بِأَبِي أَنْتَ وَأُمِّي يَا رَسُولَ اللهِ، مَا عَلَى مَنْ دُعِيَ مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ مِنْ ضَرُورَةٍ، فَهَلْ يُدْعَى أَحَدٌ مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ كُلِّهَا؟ قَالَ: نَعَمْ، وَأَرْجُو أَنْ تَكُونَ مِنْهُمْ.
Bukhaari: 1897.
Albaabka ahlu soonku waxa uu leeyahay magac ku habboon dadkii soomi jiray ee harraadka u badheedhi jiray. Alle waxa uu u sameeyay albaab harraadkii ka tira oo dhanqalankii ka wabxiya, oo magiciisa naftu ku faraxdo.
***
Nebiga SCW waxaa laga soo wariyay in habeenka koowaad ee Ramadaanta la xidho shayaadiinta, in la xidho albaabbada Naarta oo aan midkoodna la furin, in la furo albaabbada Jannada oo aan midkoodna la xidhin, ka dibna uu mid yeedhayaa ku dhawaaqo: qofkii khayr doonayoow soo dhowoow, qofkii shar doonayoowna gaabso. Xadiiska oo ereyadiisii qayb ka mid ahi ay hoos ku qoran yihiin waxa uu ku diiwaangashan kutub badan oo xadiiska ururiyay, sida Bukhaari, Muslim, Tirmidi, Ibnu Khuzaymah, Ibnu Xibbaan, ikk, isaga oo ereyo kala duwan ku yimaadda.
إذا كانَ أوَّلُ ليلةٍ من رمضانَ صُفِّدَتِ الشَّياطينُ مردَةُ الجنِّ ، وغُلِّقَتْ أبوابُ النَّارِ فلم يُفتَحْ منها بابٌ ، وفتِحَت أبوابُ الجنَّةِ فلَم يُغلَقْ منها بابٌ وَنادى مُنادٍ : يا باغيَ الخيرِ أقبل ويا باغيَ الشَّرِّ أقصِر
إِذَا جَاءَ رَمَضَانُ فُتِّحَتْ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ
.إِذَا دَخَلَ شَهْرُ رَمَضَانَ فُتِّحَتْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ، وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ جَهَنَّمَ، وَسُلْسِلَتِ الشَّيَاطِينُ.
Siyaabo kala duwan ayaa ay culimadu u fasireen katiinadaynta iyo xidhitaanka shayaadiinta. Culimada qaar ayaa tilmaamaya in shayaadiinta la xidhayaa ay yihiin kuwa samada kora si ay warkeeda u soo xadaan. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay suuragal tahay in xidhitaankoodu ku kooban yahay habeenkii oo ay maalintii fasaxan yihiin.
Waxaa iyaduna suuragal ah in aan caadi ahaan la xidhin ee ujeedku yahay in saamayntoodi yaraatay maadaama soonkii wiiqay shahwooyinkii iyo rabitaannadii dadka oo ay Qur’aan iyo dikri ku mashquulsan yihiin. Haddii shayaadiintii la xidhay, maxaa dhibaato iyo macsi u dhacaan bisha Ramadaan?
Shaydaanku ma aha sababta keli ah ee keenta arrimahan. Sharku kuma koobna shayaadiinta ee naftuba qayb ayaa ay ku leedahay. Markii uu Alle SWT ka hadlayay reer Banuu Israa’iil waxa uu sheegay in markii uu Rasuul ula yimaaddo wax aysan NAFAHOODU jeclaysanba, ay rusushaas qaybna beenin jireen qaybna dili jireen:
كُلَّمَا جَاءَهُمْ رَسُولٌ بِمَا لَا تَهْوَىٰ أَنْفُسُهُمْ فَرِيقًا كَذَّبُوا وَفَرِيقًا يَقْتُلُونَ
Saxaabadii dagaalkii Uxud dhabarka jeedisay markii uu ka hadlayay, Alle SWT waxa uu sheegay in shaydaanku kaga faa’iidaystay wixii ay galabsadeen awgii.
إِنَّمَا اسْتَزَلَّهُمُ الشَّيْطَانُ بِبَعْضِ مَا كَسَبُوا
Nafta sharka wadda waxaa dheer, maadaama waxa la xidhayaa ay yihiin belaayada sharka ku gaammuray, shayaadiintii yaryaraa baa weli jooga oo hawshoodii wata. Waa la innoo fududeeyay ee dhibtii lama wada faydin waana in laga dabbaasho.
In mooryaantii shayaadiinta la xidhay waxaa innoogu filan sida dad badani daacada Alle diyaar ugu yihiin bishan ee khayrku u bato. Qaar aan sannadka dhan tukan baa Ramadaanta masaajidda tuban oo cibaadaysanaya. Kuwo aan waxba bixin jirin baa sadaqo kala farraqaya. Kuwo macsida aan u nasan jirin baa cumro iyo cibaado aadaya, iwm.
Xidhitaanka shayaadiintu waa fududayn Alle u samaynayo addoomihiisa khayrka raba. Qof uusan soonku khusayn, ama aan danba ka lahayni in uu helo hawl fududayntii iyo barakadii Ramadaanta uma badna. Waana arrin ay culamadu tilmaameen markii ay ka hadlayeen xidhitaanka shayaadiinta iyaga oo sheegay in yaraanshaha saamaynta Shaydaanku uu ku xidhan yahay hadba sida qofku u guto waajibkii Ramadaanta.
Qof aan soonkii lagu lahaa gudani ma helayo ilaalintii lagaga xannibayay shaydaankii caqabadda ku noqon lahaa ee cibaadada iyo khayrka ka horjoogsan lahaa. In qofkii daacada Alle ka fogaada lagu fasaxayo shaydaanka waxa ay ka muuqataa aayadda uu Alle SWT ku leeyahay:
وَمَن يَعْشُ عَن ذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ نُقَيِّضْ لَهُ شَيْطَانًا فَهُوَ لَهُ قَرِينٌ
Nebiguna SCW waxa uu xadiis uu Imaam Muslim diiwaangaliyay ku sheegay in qof kasta lagu lammaaniyay qareen jinka ka mid ah. Markii ay saxaabadu yidhaahdeen xataa adiga? Nebigu SCW waxa uu yidhi xataa aniga waa uu i weheliyaa ee Alle ayaa iigu kaalmeeyay oo waa uu Muslimay wax aan khayr ahaynna ima faro. Xadiisku waxaa kale oo uu tilmaamay in sidaa oo kale malag ku lammaan yahay qofka.
مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا وَقَدْ وُكِّلَ بِهِ قَرِينُهُ مِنْ الْجِنِّ قَالُوا وَإِيَّاكَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ وَإِيَّايَ إِلَّا أَنَّ اللَّهَ أَعَانَنِي عَلَيْهِ فَأَسْلَمَ فَلَا يَأْمُرُنِي إِلَّا بِخَيْرٍ حَدَّثَنَا ابْنُ الْمُثَنَّى وَابْنُ بَشَّارٍ قَالَا حَدَّثَنَا عَبْدُ الرَّحْمَنِ يَعْنِيَانِ ابْنَ مَهْدِيٍّ عَنْ سُفْيَانَ ح وَحَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ آدَمَ عَنْ عَمَّارِ بْنِ رُزَيْقٍ كِلَاهُمَا عَنْ مَنْصُورٍ بِإِسْنَادِ جَرِيرٍ مِثْلَ حَدِيثِهِ غَيْرَ أَنَّ فِي حَدِيثِ سُفْيَانَ وَقَدْ وُكِّلَ بِهِ قَرِينُهُ مِنْ الْجِنِّ وَقَرِينُهُ مِنْ الْمَلَائِكَةِ.
Qariinka qofka lagu lammaaniyay ee xumaha u qurxiya, kuna dhiirriya, waxaa weheliya shayaadiin iyagu hawlo gaar ah u xilsaaran, sida kuwa dadka salaadda ka waswaasiya, iwm. Qariinku ma ku jiraa maradada (kuwa madaxa adag ee dhibta badan) shayaadiinta ee xadiisku tilmaamay in bisha Ramadaan la xidho? Haddii uusan ku jirin, saamayntiisuna ku badan tahay qofka macsida badan, miyaanay taasi fasiraad u noqon karin sharka qofka ka dhaca Ramadaanta gudaheeda?
Dhibaato ma laha in qofku isweydiiyo: haddii shayaadiintii la xidhay maxaa weli sharkii u socdaa?, ama xidhitaankoodu waa noocee?, iwm. Dhibtu waa marka qofku aragti isaga la qummanaatay uu ka dhigo xujo lagu burin karo xadiisyada sugan ee Nebiga SCW. Xujo adag oo lagu qanci karo oo lagu diidi karo xadiiskan sugani ma jirto. Wuxuba waa “waxay aniga ila tahay”.
Shaydaan baa la xidhay. Sidee loo xidhay waxaa ka horraysa in shaydaankan sida uu yahay la ogaado. Maadaama aynaan arki karin gebigiisaba, sida loo xidho in aynu isku hawlnaa waa iska waqti lumis iyo iskallifid aan dheef lahayn. Waa la xidhaa sida xadiisku sheegay. Qaabka loo xidhana Allaahu aclam. In aan qaabkii fahmi waynaa ma keenayso in aan dafirno. Armaa “force field” aysan ka gudbi karin lagu xidhaa dee!
Shayaadiinta oo caalamul qayb innaga ah iska daaye, sayniskii ay aadanuhu heerka sare ka gaadheen ayaa ay ka buuxaan waxyaalo fahankoodu adag yahay: ka warran sifada “quantum mechanics” leedahay ee keenaysa in qurubku (sida elektoroon) uu labo meelood joogi jaro isku waqti (waaba adiga oo isla hadda wada jooga Muqdisho iyo Hargeysa— Awliyo Alle).
Xadiiska sheegaya in shaydaanku uu dadka u dhex qulqulo sida dhiiggu u dhex qulqulo, isna ma muujinayo in aan shayaadiinta qaarkood la xidhin bisha Ramadaan. Xadiiskan waxaa ku xusan Nebiga SCW oo Ramadaan tobankii dambe ictikaaf ku jira in ay soo booqatay Ummul Mu’miniin Safiyah, cabbaar markii ay sheekaysteen ee ay laabanaysay ayaa Nebigu SCW istaagay oo raacay. Kadinkii masjidka markii ay marayeen ayaa waxaa soo maray labo nin oo saxaabadii ka mid ah kuwaas oo salaamay. Nebigu SCW inta uu joojiyay ayaa uu u sheegay in haweenayda la socotaa ay tahay Safiyah. Inta ay isku naxeen ayaa ay yidhaahdeen: Subxaanallaah Rasuulkii Allow!
Nebigu SCW waxa uu yidhi: Shaydaanku sida dhiigga ayaa uu aadanaha u dhex socdaa, waxaanna ka cabsaday in uu qalbigiinna wax galiyo! Tuhun in ay qaadaan ayaa uu Nebigu SCW ka ilaalinayay. Xadiiskan waxaa weriyay Bukhaari.
Maxaa diidaya in uusan markaa shaydaan weheline tuhun naftooda galo, hadhow marka la soo daayana uu shaydaankii tuhunkaa dhuxulo sii saaro ilaa uu faraha ka baxo? Sidii aan kor ku xusayna, maxaa diidaya in qariinka qofka la socdaa uu ka badbaado xadhigga?
Mid baase jirta, waana in uusan jirin noole gaarkiisa u taagan oo shaydaan la dhahaa. Alle waxa uu innoo sheegay jin iyo insi uu cibaadadiisa u abuuray, iyo malaa’ig. Shaydaannimadu waa tilmaan iyo sifo nooluhu qaato oo labada noole ee ikhtiyaarka leh: jin iyo insi, midkoodba qaadan karo.
وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا
مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ
Ibliis waxa uu ka mid ahaa jinka oo Muslim iyo gaalba leh.
إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ
Laakiin markii Ibliis ay shaqaawadiisi/ dhibtiisi ka qaalib noqotay ayaa tilmaantii ay magiciisi ka dhigantay oo marka si guud loo adeegsado shaydaan ay u noqotay isaga iyo durriyaddiisa. Marar badanna Qur’aanku sidaas ayaa uu u adeegsadaa.
يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُمْ مِنَ الْجَنَّةِ يَنْزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا ۗ إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَوَقَالَ الشَّيْطَانُ لَمَّا قُضِيَ الْأَمْرُ إِنَّ اللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ الْحَقِّ وَوَعَدْتُكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ ۖ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيْكُمْ مِنْ سُلْطَانٍ إِلَّا أَنْ دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي ۖ فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوا أَنْفُسَكُمْ ۖ مَا أَنَا بِمُصْرِخِكُمْ وَمَا أَنْتُمْ بِمُصْرِخِيَّ ۖ إِنِّي كَفَرْتُ بِمَا أَشْرَكْتُمُونِ مِنْ قَبْلُ ۗ إِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Xadiiska Nebiga SCW waxaa cimrigoodi ku dhammeeyay kumannaan culimo ah oo Alle ku ilaaliyay. In si sahlan loo dafiro xadiis intaas oo caalim ay sugnaantiisa isku raaceeni waa ayaandarro iyo marin habow. Alle xaqa ha innagu sugo.
Aamiin.
***
Fadliga soonka waxaa ka mid ah in uu qofka ka fogeeyo Naarta. Waxa aan hore uga soo hadalnay in uu gaashaan u yahay qofka oo uu Naarta ka dhowro. Xadiiskan hoosana Nebigu SCW waxa uu ku sheegay in qofkii hal maalin Alle dartii u sooma, maalintaa darteed Naarta laga fogeynayo toddobaatan sano.
ما من عبدٍ يصومُ يومًا في سبيلِ اللَّهِ عزَّ وجلَّ ، إلَّا بعَّدَ اللَّهُ عزَّ وجلَّ بذلِكَ اليومِ وجهَهُ عنِ النَّارِ ، سبعينَ خريفًا.
Xuquuqda qormada waxay u sugnaatay Sheekh Muxummed Yuussuf.