Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya, dadka deegaanka iyo ciidanka Daraawiishta ayaa bilihii la soo dhaafay kooxda Khawaarijta ka xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo dadka ku nool duleysiga Khawaarijta loogu beddelay adeegyo dowladeed.
Qorshaha xasillinta deegaannada howlgalladu ka socdaan oo ah masโuuliyad weyn oo u taalo Dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ayay magaalada Dhuusamareeb shir ku aadan ku yeesheen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay agaasimayaasha wasaaradaha arrimaha gudaha Dowladda Dhexe iyo dowlad gobolleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood isla gartay inta uu shirkani socday, inta ay la egtahay dowladnimada gaartay shacabka laga dul qaaday Khawaarijta iyo casharada laga bartay goobaha howlgallada laga fuliyay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Ceydaruus Macallin Xasan ayaa si faah faahsan u sharxaya doorka dhinacyada shirkan ku kulmay ee kaga aadan qorsheynta howlgallada xoreynta.
โ Haddii aan isgarabsano oo gacmaha isqabsano,waxaan awoodeynaa in meel walba oo laga saaro Khawaarijta in marka koowaad looga darin oo xaaladda hadda ku sugan yihiin mid ka fiican ay helaan ka dibna ay xasiliintu ay gaarto,โ.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa tusaaleeyay ka qeyb galayaasha caqabadaha ay kan dowlad gobolleed ahaan diiwaangeliyeen ka dib, xoreyntii degmada Xarardheere oo ka mid ah meelaha ay Khawaarijtu la hartay dhowr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay.
โ Waxaan isleeyahay wadajirkeennu waa guusheenna, wadajirkeennu wuxuu dhaawac ku yahay cadowga, annagana lafteennu niyad bey noo tahay kullamadan oo kale oo aan isweydaarsano maxaa horumar ah, Maxaa caqabad ah?, inaan isweydiino muhiim bey inoo tahay, marka kullankan oo kale aad iyo aad buu faaโido ugu leeyahay arrimaha xasilinta,โ.
Wuxuu wasiirka carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta la gaarsiiyo adeegyada Dowladda sida Biyaha,cuntada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah Bulshada laga dul qaaday argagixisada.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshe adeegyada bulshada lagu gaarsiinayo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta si ay shacabka u dareemaan hannaan dowladnimo iyo horumar ka dib caburinta iyo handadaada argagixisada.