Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Fadliga Soonka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Fadliga Soonka
MaqaalladaWararka

Fadliga Soonka

By SB
Last updated: March 19, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Soonku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, sida uu Nebigu SCW innoogu sheegay xadiiska ay diiwaangaliyeen Bukhaari iyo Muslim— Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: qiridda in uusan jirin ilaah [xaq lagu caabudo] oo aan Alle ahayn, in Maxamed yahay Rasuulkii Alle, oogidda salaadda, bixinta sakada, xajka, iyo soonka Ramadaan.

بُنِيَ الإسْلَامُ علَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أنْ لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وأنَّ مُحَمَّدًا رَسولُ اللَّهِ، وإقَامِ
الصَّلَاةِ، وإيتَاءِ الزَّكَاةِ، والحَجِّ، وصَوْمِ رَمَضَانَ.
متفق عليه.

Nebigu SCW waxa uu yidhi soonku waa gaashaan ee qofka soommani yuusan hadal xun ku hadlin, dhaqan xumana samayn, haddii cid la dirirto ama caydana, ha yidhaahdo: waan soommanahay. Intaas waxa uu Suubbanuhu SCW raaciyay: qofka soomman afkiisa urta ka soo baxda ayaa Alle agtiisa ka udgoon carafta miskiga. Intaa ka dib, Nebigu SCW waxa uu toos innoogu soo tebiyay Alle SWT oo yidhi: qofku cuntadiisi iyo cabbitaankiisi iyo shahwadiisi ayaa uu dartay uga tagay, soonka Aniga ayaa leh, Aniga ayaana ka abaalmarinaya, wanaagguna waxa uu leeyahay toban u dhigma.

الصِّيَامُ جُنَّةٌ، فَلَا يَرْفُثْ وَلَا يَجْهَلْ، وَإِنِ امْرُؤٌ قَاتَلَهُ أَوْ شَاتَمَهُ، فَلْيَقُلْ إِنِّي صَائِمٌ مَرَّتَيْنِ وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللهِ تَعَالَى مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ، يَتْرُكُ طَعَامَهُ وَشَرَابَهُ وَشَهْوَتَهُ مِنْ أَجْلِي، الصِّيَامُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ، وَالْحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا.

Culimadu waxa ay yidhaahdeen soonku waa gaashaan qofka ka dhowra naarta iyo wixii xumaan ah ee qofka jidkeeda qaadsiin lahaa. Heerka gaashaankaasi wax ilaalinayaana hadba waxa ay ku xidhan tahay inta qofku dhowro soonka ee uu ku dedaalo in uu u guto sidii habboonayd, uuna ka dheereeyo wax kasta oo dhibaato iyo dhimaal u keenaya soonka. Hadaltiradii, xantii, afxumadii, qayladii, murankii, iyo wax kasta oo aan faa’iido lahayn waxa ay ka dhigan yihiin qof gaashaankiisi daldaloolinaya taas oo ka dhigan in uusan difaac adag u noqonayn. Taladii Nebiguna SCW waa in uu isdhowro oo xataa haddii lagu gardarroodo uu falcelintiisa ku soo koobo: “waan soommanahay” ee uusan la tirsan.

“Waan soommanahay” ma isaga ayaa naftiisa u sheegaya oo isla hadlaya si uusan u jawaabin, mise waxa uu ku odhanayaa cidda ku gardarrootay? Imaam Nawawi waxa uu yidhi labaduba waa ay wanaagsan yihiin, in uu carrabka ka yidhaahdo ayaana sii awood badan ee uusan isaga naftiisa ku waanin oo keli ah. Waxaase sii wanaagsan in uu labadaba sameeyo oo uu marna isagu isku waaniyo marna cidda ku gardarrootay uu ku yidhaahdo. Maadaama Nebigu SCW innoo sheegay in Naarta lagu hareereeyay waxyaalo ay naftu jeceshahay oo muhinaya (shahawaat), soonkuna uu wiiqo rabitaanka nafta, waa gaashaan la iskaga difaacayo Naartii. Sidaa oo kale, ajarka iyo abaalmarinta tirada badan ee soonka laga helayaa waxa ay cuslaynayaan miisaanka dhankii wanaagsanaa.

“Soonka Aniga ayaa leh, Aniga ayaana ka abaalmarinaya” macnaheeda siyaabo kala duwan ayaa ay culimadu u fasireen. Soon, salaad, xaj, sako, iyo camallada kalaba Alle ayaa leh oo dartii loo samaynayaa, abaalmarintana Isaga ayaa leh e, maxaa soonka ku gaar ah? Ibnu Xajar markii uu xadiiskan sharxayay waxa uu soo bandhigayaa sagaal fasiraadood oo ay culimo kala duwani tilmaameen.

Culimada qaar waxa ay leeyihiin soonku waa wax qarsoon oo niyadda ku xidhan, qofkuna sida salaadda oo kale ma samaynayo dhaqdhaqaaq dadka kale u muuqda. Sidaas awgeedna, istusnimo boos kuma laha oo waxa uu cibaadooyinka kale dheer yahay daacadnimadaa dheeraadka ah ee qofka Alle oo keli ah uu og yahay in uu soomman yahay iyo in kale.

Fasiraad kale waxa ay leedahay Alle ayaa ogsoon abaalmarintiisu inta ay le’eg tahay. Cibaadooyinka kale waxaa la innoo sheegay in abaalmarintooda la labalaabo ilaa 700 oo jeer. Laakiin soonku ma laha xadkaa sare oo Alle ayaa isku koobay ogaanshaha heerka abaalmarintiisu gaadhayso. Culimadu waxa ay leeyihiin maadaama soonku yahay rabitaankii nafta oo laga soomay, Alle ayaa ballanqaaday in dadka sabra abaalmarintooda loo oofin doono xisaabin la’aan.

إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ 10

Az-Zumar: 10.

Ibnu Xajar waxa uu leeyahay: sida caadada ah marka deeqsigu yidhaahdo qofkaa anigaa si gaar ah wax u siinaya, waxa ay astaan u tahay in uu wax weyn bixinayo. Markaa in Alle abaalmarinta soonka gaar u sheegtay waxaa laga qaadanayaa in ay tahay abaalmarin aad u weyn.

وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ

Fasiraad kale ayaa waxa ay leedahay: Alle SWT uma baahna cunto iyo wax la mid ah oo waa ka hufan yahay baahiyaha makhluuqaadka. Markaa qofka soomay waxa uu Alle ugu dhowaaday tilmaan ka mid ah tilmaamihii Alle, taas ayaana soonka ka soocda cibaadooyinkii kale. Ibnu Xajar waxa uu leeyahay culimadu waxa ay isku raaceen in soonka laga hadlayaa uu yahay midka ka badbaaday macaasi hadal iyo ficilba.

 

Xuquuqda qormadan waxay u sugan tahay Sh Muxummed Yuussuf.

La soco qaybta labaad.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xilka ka qaaday Taliska Booliska Gobalka Banaadir(Saadaq John).

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar…

GudahaWararka
April 12, 2021

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga

Muqdisho (SONNA): Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre,…

GudahaWararka
July 11, 2024

Shir ku aadan Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho(SONNA)Shirka hordhaca qeybta farsamada si loogu diyaar-garoobo daahfurka Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Project) ayaa shalay lagu…

GudahaWararka
October 29, 2024

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka oo furay tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Abukar Sheekh Axmed Mursal ayaa daah furay tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga ee Furdooyinka,…

GudahaWararka
September 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023