Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed
MaqaalladaWararka

Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed

By Axmed
Last updated: March 15, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed.

Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay oo ku caan ah in ay ku tacadido shacabka Soomaaliyeed sidoo kale kula kacdo xasuuq,dhac iyo cadaadis ay kaga qaado xoriyada ayaa dhowaan laga xoreeyey Tuulada Cali Ganey oo ka tirsan gobolka Hiiraan qiyaas 50Km ahna u jirta caasimada gobolka ee Beledweyne.

Warbaahinta qaranka oo booqasho u kuur gelid xaaladda nololeed ee deegaanka ah ku tagtay ayaa shacabka deegaanka ka xog waraysatay tacadiyadii kooxdu ka geysatay deegaanka iyo isbeddelka nololeed ee bulshadu mahadisay ka dib markii dhowaan halkaas Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoreynta deegaanku ka xoreeyeen kooxda khawaariijta.

Cabdisalaan Macalin Maxamuud oo ka mid ah ciidanka deegaanka ayaa waraahinta qaranka uga waramay tacadiyadii khawaariijtu ka geysteen Tuulada Cali Ganey”deegaanka dhibaatooyin xun xun ayey khawaariijtu ka geystay,halkan geedkan maalin maalmaha ka mid ah waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah o Cabdi la odhan jiray,wuxuu ahaa darawal baabuur nolol maalmeedkiisa kala soo baxa balse khawaariijta ayaa nolosha u quuri waysay”waxa jiray yar kale oo ay qaraabo ahaayeen Cabdi oo la joogay markay tooganayeen isagana inta ay so qabteen ayey irbad sun ah ku dileen waxay na amreen in aan loo tegi Karin.

Cabdisalaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in aan kooxda Khawaarijtu deegaanka ka qaadan jirin waxa ay ugu yeeraan sakaawaadka sababtuna tahay dadka deegaanka oo kala hor yimid iska cabin taas oo gaarsiisanad in khawaariijta iyo dadka deegaanka hadba kii aragtida ku horeeyaa xabadana ku horayn jiray taas oo meesha ka saartay haba yaraatee in wax wada hadal iyo heshiis ah dhex marro kooxda khawaariijta iyo dadka deegaanka.

Kooxda khawaariijta ayaa intii ay deegaanka haysteen waxay xireen goobihii cibaada iyo goobihii waxbarashadda,khawaariijta ayaa sidoo kale deegaankan ka geystay afduub shacab sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey oday Sabriye Cabdi Faarax oo ka mid ah odayaasha deegaanka”halkan ayey maalin ramadaan an nagu qabteen dadkii ayey soo wada saareen laf qabiil ah ayey si gaar ah u beegsadeen waxay wateen 12 nin oo isku qabiil ah,tacadi ayey nagu sameeyeen waa na dabreen waana gaajaysiiyeen waa na jirdileen”sida uu sheegay oday Sabriye waxa kale oo jira dad ay afduubteen oo weli la haynin raq iyo ruux meel ay geeyeen.

Dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka iyagoo dhinaca kale xusay in ay maanta nabad iyo xoriyad haystaan diyaarna u yihiin in ay wax walba u hurayaan sidii deegaanada looga cirib tiri lahaa kooxaha khawaariijta ee ku dhuumaalaysanaya qaybo kooban oo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Cadaado oo ku howlan olole nadafadeed  

Maamulka Dowlada Hoose ee Degmada Cadaado ayaa ku dhaqaaqay olole nadafadeed  oo laga sameeyay duleedka deegaaankaasi oo hooy u aheyd…

Wararka
August 31, 2020

Wariye Qeys oo maanta lagu aasay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb galay aaska Allaha u naxariistee Agaasimihii TV-ga…

GudahaWararka
October 17, 2023

Dowladda Qatar oo mashaariic hor leh ka fulineysa Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha mashaariicda dowladda Qatar ee dalka Soomaaliya, Abuubakar Bashiir ayaa sheegay in la dhammaystiri doono dhowaan heshiisyo ku saabsan Ganacsiga…

GudahaWararka
May 17, 2023

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo guddoomiyay shir muhiim ah

Muqdisho.(SONNA):- Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey…

GudahaWararka
February 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023