Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Dekaddaha oo qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka
    November 24, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed
    November 24, 2025
    Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed
    November 24, 2025
    Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha
    November 24, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)
    November 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
Reading: Warbaahinta qaranka oo booqatay xaruntii ugu weynad ee khawaariijtu ku askarayn jirtay Caruurta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Warbaahinta qaranka oo booqatay xaruntii ugu weynad ee khawaariijtu ku askarayn jirtay Caruurta
MaqaalladaWararka

Warbaahinta qaranka oo booqatay xaruntii ugu weynad ee khawaariijtu ku askarayn jirtay Caruurta

By Axmed
Last updated: March 6, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta ah ee ku caan baxday ka been sheegida iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxay ku kacday jariimooyin iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka dib markii ay ku kaceen in ay askareeyaan caruurta aad u da’ada yar taas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka,xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka Federaalka Soomaliya,deegaanka Al-kawsar oo hoos taga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ahayd goobaha ugu waaweyn ee kooxdu ku tababarto caruurta ay askaraynayso.

Magaaladan ayaa dhowaan laga xoreeyey kooxda khawaariijta hawlgal ay ciidanka qaranka oo kaashanaya xoogaga dib u xoraynta deegaanku ka fuliyeen halkaas,warbaahinta qaranka ayaa deegaanka ku gaartay safar ay ugu kuur gelayso xaaladda deegaanka oo mudo gacanta ugu jiray kooxda khawaariijta halkaas oo ay warbaahintu booqatay goobihii kooxdu ku dhibaatayn jirtay caruurta ay xoogga kaga soo wadato waalidiintood.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in khawaariijtu caruurta xoog uga soo wadan jireen waalidkood ka dibna halkan ku askarayn jireen”meeshan waxay ahayd meel ay u yaqaaniin jamacadda,jaamacad na ma ahayn ee waa goob ay ku dhibaatayn jireen ilmaha masaakiinta ah,ilaahay ayaana ka xoreeyey,ilamaha halkan kasoo baxaa waxay ahaan jireen kuwa is qarxiya”ayuu yiri mid ka mid ah shacabka magaaladda oo la hadlay warbaahinta qaranka.

Kooxda ayaa sidoo kale shacabka ku khasbi jirtay in ay keenaan caruurtooda tan oo ka dhigan in kooxdu wax diin ah lahayn maadaama diinta islaamka ogolayn dulmiga loo geysto caruurta”jiingadahan waxay ku xerayn jireen caruurta,annaga way naga haajiriyeen waxay na dhaheen wax aad tihiin murtadiin naguna diin ma tihidin”sidaas waxa warbaahinta u sheegay qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Al-kawsar.

Sidoo kale kooxda khawaariijtu waxay xireen Schoolkii magaalada iyagoo u bedelay xabsi ay dadka ku ciqaabaan iyo xafiisyo,deegaanka ayaa sidoo kale waxa ka hayaamay xoollo dhaqatadii deegaanka ka dib culays iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee kooxda khawaariijta kala kulmayeen.

Shacabka deegaanka Al-kawsar ayaa Dowladda iyo Ciidanka qaranka uga mahadceliyey in ay ka xoreeyeen kooxda khawaariijta oo deegaankan ka geystay tacadiyo iyo dhibaatooyin daran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Dekaddaha oo qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka

Muqdisho(SONNA:-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada London uga…

November 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya dalka Eretrea

Asmara-(SONNA)-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo …

GudahaWararka
July 9, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa gaaray deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradsa Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hon Cali Yuusuf Cali oo safar…

GudahaWararka
June 23, 2024

Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Beeraha & Waraabka XFS.

Muqdisho (SONNA) Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda…

GudahaWararka
February 5, 2023

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Geneva kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibedda Sweden

Geneva-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre,  ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda…

Wararka
December 18, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023