Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaariijta oo ka bilaabanaya Koonfur galbeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaariijta oo ka bilaabanaya Koonfur galbeed
MaqaalladaWararka

Wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaariijta oo ka bilaabanaya Koonfur galbeed

By SB
Last updated: March 2, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhowaan safar ku tegay magaaladda Baydhabo oo ah caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed ayaa halkaas kaga dhawaaqay in laga bilaabayo wejigii labaad ee hawlgalka dib u xorraynta dalka.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa kii saddexaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo intii uu xukunka hayey ayaa ku qotomay xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqon lahaa shirkii dib u heshiisiinta koonfur-galbeed ee halkaas lagu soo gabo gabeeyey,looguna gudbi lahaa wejiga labaad ee hawlgalka dalka loogu xoraynaho khawaariijta.

Hawgalada dib loogaga xorraynayo deegaanadda koonfur-galbeed ayaa dhowaan ka bilowday gobolka shabeellaha hoose iyadoo dhowaan halkaas hawlgal ka dhacay lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta,sidoo kale waxa halkaas looga gubay saanad ciidan waxa sidoo kale goobtan looga dilay 3 horjooge oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sar sare ee kooxda khawaariijta u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyey shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay waajib tahay in la isu kaashado sidii dalkan looga xorayn lahaa khawaariijta,Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar ah oo guuleystay, kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyey khawaarijta“Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa 1-aad ayaana gabogabo ah, wajiga 2-aad halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xoreynayaa laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xoreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijtu ee isku xira goboladda dalka.

“haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhammaan dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha 1-aad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “. ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur-galbeed ayaa ku dhawaaqay in koonfur galbeed mudo bil ah looga xoraynayo kooxaha khawaariijta” wax aan diyaarinay ciidamo tababarro kala duwan qaba,sidoo kale si weyn ayaa maamulka iyo shacabka koonfur galbeed ugu diyaar garoobeen dib u xorraynta deegaanadda” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagreen iyadoo durba la bilaabay abaabul ciidan oo ka socda Gobolada koonfur galbeed oo dhan kuwaas oo ka mid yihiin kooxda Jameecadda Sh Cabdiraxmaan Banaani oo mudo dheer dagaal kula jirtay kooxda khawaariijta iyo sidoo kale Ciidanka dulmi diid oo isna mudo dagaal kula jiray kooxda khawaariijta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo bilaabaneysa …….

Waxaa Hada Bilaabanaya Doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Galmudug waxana Madaxwaynaha u Tartamaya Afar Musharax oo kala ah: 1) Axmed…

Wararka
February 2, 2020

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda F.S oo  ku baaqay wax ka qabashada xaalladda abaareed gobolka Gedo

Muqdisho- (SONNA)-Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahin  iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda…

Wararka
September 29, 2019

Hay’adda SoDMA oo qabatay shirka ka jawaabista deg degga ee Abaaraha

Muqdisho,(SONNA):- Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir qaran oo diiradda lagu saaray ka-jawaabista degdegga ah ee abaaraha iyo xoojinta nidaamyada…

GudahaWararka
February 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe dalka “SAWRIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga…

GudahaWararka
September 2, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023