Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dhul aan lahayn biyo, hooyada foolatana masaafo dheer lagu qaado gaari dameer (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dhul aan lahayn biyo, hooyada foolatana masaafo dheer lagu qaado gaari dameer (Warbixin)
MaqaalladaWararka

Dhul aan lahayn biyo, hooyada foolatana masaafo dheer lagu qaado gaari dameer (Warbixin)

By SB
Last updated: March 1, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta ayaa mudda 10-sano ka badan dhibaatooyin isugu jira dilal,boob iyo gubida Hantida ummada soomaaliyed ku heysay shacabka Soomaaliyeed balse hada waxa dhamaaday wayahoodii sii jiritaan, khawaarijta oo geesiyaasha xoogga dalka kuwa degaanka iyo saxiibada Caalamka aya bur-buriyeen goobihii muddada dheer ay bulshada ku dhibaateen jireen khawaarijta arxanka daran.

Khawaarijta marka laga yimaado ficillada gurracan ee ay bulshada ku dhibaatayn jirtay,waxaa deegaannada qaar shacabku wajahayaan abaaro ku dhuftay deegaanno badan oo sameeyay dadka iyo duunyada,iyadoo kumanaan qoysas ah ay ka barakaceen degaannadii ay daganayeen,kadib markii ay isugu darsantat dhibaatada abaartu ku yeelatay oo ay u dheerayd tan khawaarijta oo bur-buriyay Ceelashii dadka ay biyaha ka cabi jireen iyo xoolihii inta uga bad baaday abaarto oo ay xoog uga ka xeeysteen.

Tuulada ceel muluq oo lahaayd hal ceel oo biyo macaan leh dadkana ay biyaha ka cabi jireen ayey khawaarijtu burburisay waxa ayna dadka tuuladaan iyo deegaannada ku xeeran ay xiligaan wajahayaan biyo la’aan aad u darran oo ay usii dheer tahay in Hooyada uurka leh markay umulayso loo qaado deegaanno fog fog oo ay macquul tahay in meel cidla ah ku dhasho waana qeyb kamid ah dhibaatada ka jirta tuuladaan iyo kuwa kale oo u dhaw oo ka wada tirsan gobolka shabeellaha Dhexe.

“Wabiga waxa uu noo jiraa masaafo dheer tuuladan ceelkii ugu biyaha macaanaa khawarijya ayaa naga duugtay,waana dhibka ugu weyn ee hada na haysto in dadka ay la dhibaateysan yihiin biyo la’aan baahsan oo ka jirta tuulada Ceel muluq”sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo u waramay warbaahinta qaranka.

Warbaahinta qaranka oo booqatay deegaannadasi ay biyo la’aanta iyo caafimaad darida ka jirto ayaa halkaa kula kulantay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo u sheegay in ay isugu darsantay abaar iyo biya la’aan, oo ay xiligaan wajahayaan dadka ku nool tuulooyin dhowr ah oo ay kamid taha Ceel Muluq,waxa ayna dal badeen in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Dhibaatada ka jirta tuuladan ma ahan biyo la’aan kaliye ee sidoo kale waxa ay dadka tuuladaan iyo deegannada ku hareereysan wajahayan in waxa xarun caafimaad aysan heysan, qofkii xanuunsadaa iyo hooyada dhaleyso loo qaado deegaanno masaafo ahaan ka fog oo ay kamid tahy degmada Aadan Yabaal,sidoo kale kama jirto wax isgaarsiin ah,qof loo diro gadiid iyo waxii la heli karo waxa ayna dadka noo sheegen in mar marka qaaro hooyada uurka leh lagu qaado Gaari Dameer,markii gadiid kale la waayo,taas oo sababta in dhibaato ay soo gaarto hooyada iyo ilma ay caloosha ku siddo.

“Hooyada uurka leh waxa lagu qaadaa Gaari dameer markii an weyno gadiid,dhiig baxa ayey jidka ugu dhintaan qaarkood ma heysanno xaruma caafimaad “sidaa ayuu yiri kamid ah odayaasha degaanka

Dowlada soomaaliya oo ka duulayso abaarta dalka ku dhufatay ay dhistay hay’ad loogu talagalay arrimaha gurmadka abaaraha taas oo lagu magacaabo,Hey’aad Mareeynta Musiibooyinka Qaranka kuwaa Isla markiiba ka howlgalay in ay ka jawabaan cabashada qoysaska Soomaaliyeed ee ay abaartu sameeysay,waxa ayna gargaar isugu jiro dawo,iyo rashiin gaarsiisay deegaanno badan oo ka tirsan goboladda dalka.

Abaartaan oo dhowrkii sanno u dambeeyey dalka ku soo lab-laabatay aya waxa sababay roob yari ka jirtay deegaannada qaar ee gobolada dalka iyo dhibaatada khawaarijta ay muddada dheer ku heysay shacabka oo ka baabi’isay beerihii iyo xoolihii ay dhaqan jireen taas oo sababtay in qoysas badan ay ka barakacaan deegaanadoodii,si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku sugnayeen.

Dowladda oo kaashaneyso shacabkeeda ayaa u is taagay sidii ay isaga dul qaadi lahayeen kooxda arxanka daran ee khawaarijta waxan ay ku guleeysteen in khawaarijta laga saaro deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolada labada shabeellle ,Hiiraan Galgaduud ,Mudug iyo degaana kale oo ay mudda khawaarijtu ku dhibteen jirta dadka shacabka ah oo hada harsanayo neecaawda dowladnimo.

Ciidmada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dhawaan khawaarijta kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaa oo ay sarakiisha ciidanku shegeen in lagu bur-buriyay khawaarijta

“ Gododkan ayay ku jireen, ay ku dhuumanayeen,nafta jecli inta ay ka qabaan, god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,intaas waxa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka,” ayuu mid kamid ah saraakiisha ciidamada

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta

Dubai-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Mudane…

GudahaWararka
February 1, 2022

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta…

Wararka
August 11, 2020

53 rux oo ka soo jeeda muslimiin Mayanmar oo ku waxyeeloobay shil doon

Meydadka 23 qof oo muslimiinta Rohingya ah oo ka baxsanayay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la soo saaray, kaddib…

Caalamka
August 11, 2023

James Swan iyo Madaxweyne Waare oo wada hadallo ku leh Jowhar

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya , James Swan, ayaa…

Wararka
December 11, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023