Muqdisho(SONNA):-Kooxaha khawaariijta ee arxanka daran ayaa maalin ba maalinta ka dambaysa laga soo xirayaa waddooyinkii halaaga iyo hadimada badnaa ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhagri jireen,kooxahan naf la caariga ah ayaa haatan dantu ku khasabtay in ay ku dhuumaalaystaan godad ay ka qoteen dhulka hoostiisa korkana ay kaga sii dabooleen geedo iyo baco.
Wadooyinka hadimada badan ee kooxahan khawaariijtu adeegsan jireen lagana so af jaray ayaa waxa ka mid ahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo fikirka,dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ku qaaday ilihii dhaqaalaha ee kooxaha khawaariijta sidoo kale culimaโudiinka Soomaalyeed iyo bulshadda waxgaradka ah ayaa dagaal culus ku qaaday fikirka khaldan ee kooxda khawaariijtu fidin jirtay taas oo ay ku dhagri jireen dhalinyaradda Soomaaliyeed kagana lumin jireen dariiqa saxan si ay ugu adeegsadaan dannahooda gurracan ee dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa shirka dib u heshiisiinta koonfur-galbeed waxa uu kaga dhawaaqay in dowladda Soomaliya cafis u fidisay dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaariijtu isagoo ugu baaqay in dhalinyaradda soomaaliyeed kasoo laabtaan fikirka xagjirkaโ Dowlad ayaad haystaan,idin taageeraysa noloshiina damaanad qaadaysa nolol iyo shaqooyin idiin abuuraysa ka soo laabta fikirka xagjirka ahโ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddoomiyaha golaha shacabkaย ayaa isaguna sheegay in sidii hore ba madaxweynuhu ugu dhawaaqay dhalinyaradda kasoo laabata fikirka gurracan isla markaana maqla baaqa madaxweynaha iyo baaqa culimadda la cafin doono,loona samayn doono nolol iyo mustaqbal,isagoo dhanka kale sheegay in qofkii Khawaarijta Al-Shabaab in uu ku jiro ku adkeysto in ciidanka qaranku waajibaadkooda ka gudan doonaan kana hor istaagi doonaan dhagarta ay la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Hadda ba intii dowladda Soomaliya ku dhawaaqday in la cafin doono cid kasta oo kasoo laabata fikirka gurracan ee xagjirka waxa tiro tiro iyo tarab tarab isu soo dhiibay dhalinyaradii ay lumiyeen kooxaha khawaariijtu iyagoo ka faaโiidaysanaya cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda,gobolada Hiiraan,Galmudug,Shabellaha dhexe,shabeellaha hoose,Baay iyo Bakool,Banaadir iyo Jubbaooyinka ayey iska soo dhiibeen dhalinyaradii ugu badnad ee hore ugu kadsoomay fikirka gurracan ee kooxaha khawaariijtu iyagoo ka faaโiidaysanaya cafiska dowladda,tan oo ka dhigan in uu gabi ahaan ba burburay darbigii ay kala dhex dhigeen dowladda Soomaliya iyo dhalinyaradii ay khaldeen.
Dhalinyaradda tirada badan ee isa soo dhiibaysa iyagoo kasoo laabanaya fikirkii gurracanaa ee khawaariijta ayaa albaabada isugu laabtay rejo kasta oo sii jiritaan oo ay qabeen horjoogayaasha sare ee khawaariijtu waxay na god dheer ku riday damacoodii bahalnimada ahaa oo rabeen in ay kusii haligaan ummada Soomaaliyeed,kooxaha khawaariijta oo dareemay xanuunka ay leedahay in ay garbahooda ka baxayaan dhalinyaro ay hore u khaldeen ayaa bilaabay in ay dhalinyaradda ugu hanjabaan in ay dili doonaan hadii ay isu dhiibaan dowladda balse dheg uma dhigin dhalinyaradda kasoo laabanaysa fikirka xagjirka.
Dhinaca kale dhalinyaradii isu soo dhiibay dowladda helay na fursad ay ku harsadaan harka dowladnimada ayaa baaq u diray dhalinyaradda dhigooda ah ee weli kusii harsan fikirka xagjirka in ay ka faaโiidaystaan cafiska dowladda mid ka mid ah dhalinyaradda dowladda isu soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda si wacan u soo dhowaysay si wacana loola dhaqmayโmeesha aan ka imid iyo meesha aan maanta joogaa waa kaaf iyo kala dheeri,saaxiibadda weli kusii harsan fikirka xagjirka waxa ugu baaqayaa in ay isaga soo tagaanโayuu yiri.
Taliyaha ciidanka xoogga dhulka Generaal Biixi ayaa yiriโninkii isu soo kaaya dhiiba ma dilayno,wax culays ah ama dhibaato ah oo uu arki doonaana ma jirtoโwax aan idiin ku baaqayaa isu soo dhiibaa dowladdiina iyo dadkiina Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Taliye Biixi dhalinyaradda weli kusii harsan gacanta kooxaha Khawaariijta.