Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday xabbad joojin dhex marta Ukraine iyo Ruushka, si loo dejiyo ama loo helo xaalad u gogol xaareysa in la yeesho wadahadal nabadeed.
Hadaladaan ayaa yimid xili shalay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku baaween in la joojiyo dagaalada ka socda Ukrine,isla markaana Ruushka uu ka baxo gudaha dalkaasi.
soo jeedintaan oo ka kooban 12 qodob oo lagu soo afjarayo colaadda,waxaa ku jira in la joojiyo cunaqabataynta reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka, in la sameeyo waddooyin bini’aadantinimo oo lagu daadgureeyo dadka rayidka ah iyo tillaabooyinka lagu hubinayo dhoofinta hadhuudhka.
“Dhammaan dhinacyadu waa inay ahaadaan kuwo caqli-gal ah oo ay is-xakameeyaan, ka fogaadaan inay dabka sii huriyaan oo ay sii xumeeyaan xiisadaha, ayna ka hortagaan dhibaatadu inay sii xumaato ama xitaa inay faraha ka baxdo,” ayay tiri soo jeedintaas.
Qorshuhu wuxuu sidoo kale ku baaqay in la joojiyo “maskaxda qabowga”, taas oo ah ereyga caadiga ah ee Beijing ee waxa ay u aragto inay tahay xukunka caalamiga ah ee Maraykanka iyo faragelinta uu ku hayo arrimaha dalalka kale.