Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden,ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv,halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukrine Volodomyr Zelensky.
Madaxwenaha Mareykanka oo hadlay kadib ayaa sheegay in dalkaasi uu siin doono nus bilyan doolar oo lagu taageerayo xukuumadda Ukrine,isagoo dhinaca kale ku ammaanay in hal sano kadib ay weli jirto dimoqraadiyada iyo dowladda dalkaasi
Xaqiiqda ah in madaxweynaha Maraykanku uu badhtamaha caasimadda kula kulmay hoggaamiyaha Ukraine iyada oo ay jiraan khilaaf baaxad leh waa mid muhiim ah oo astaan u ah xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Ukrine.
Ku dhawaad hal sano oo ka soo wareegay duullaankii Ruushka ee Ukrane,safarkaan, waxa uu farriin cad u dirayaa Moscow – in Ameerika, iyo reer Galbeedka, aysan ka xishoon doonin inay taageeraan Ukraine.