Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay sanadkii 12 aad ee uu u shaqeynayo bulshada
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta
MaqaalladaWararka

Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta

By SB
Last updated: February 16, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Qurbejoogta Soomaaliyeed waxay bulshadda Soomaaliyeed ugu jiraan kaalin muhiim ah,hore xiliyada abaarraha,ama ay dhacaan aafooyinka dabiiciga ah waxa gurmadka iyo garab istaaga ugu weyn laga heli jiray qurbejoogta Soomaaliyeed,sidoo kale waxa ku tiirsan qurbejoogta Soomaaliyeed nolosha kumanaan qoys iyo waxbarashadda kumanaan caruur Soomaaliyeed ah.

Maanta iyo doorka ay qurbejoogta ku leedahay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaariijta,qurbejoogta Soomaaliyeed ayaa door weyn kaga jira halganka ka soconaya gobolada dalka iyo deegaanada ay weli kusii dhuumanayaan kooxaha khawaariijta.

Qurbejoogta ayaa dhowr hab uga qayb qaatay dagaalka dalka looga xorraynayo iyagoo qayb ka ah in shacabka Soomaaliyeed la abaabulo laguna abaabulo sidii dalka looga xorreyn lahaa kooxaha khawaariijta.

Dhowaan culimadda Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa taageeray qorshaha dib u xoraynta dalka iyagoo kasoo saaray bayaan cadaynaya in kooxaha khawaariijta af iyo gacan ba la isaga xoreeyo,sidoo kale shirweynaha culimadda Soomaaliyeed oo ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa waxa kasoo qayb galay culimo Soomaaliyeed oo isaga kala timid daafaha dunida kuwaas oo cadeeyey khawaariijta iyo waxa ay diinteena suuban ka qabto ayna waajib tahay in lala dagaalamo kooxaha khawaariijta.

Halgamaa Yoonis waa qurbejoog kasoo kicitimay dalka Ingiriiska si uu uga qayb galo halganka dagaalka ee dalka looga xoraynayo kooxda Khawaariijta” aniga oo nolol haysta kuna nool qurbaha wax aan u imid in aan xorowno oo ka xor ka noqono kooxda Khawaariijta iyo fikradahooda khaldan,intaas ayaa i keentay dalkayga maantana wax aan diyaar u ahay innaan u dhinto dalkayga anigoo raadinaya dowladnimo waarta” ayuu yiri Yoonis.

Yoonis ayaa sheegay in deegaanadda uu soo maray uu kusoo arkay wax ka baxsan nolosha aaddanaha taas oo ah in kooxda khawaariijta ay dhibaato ba’an u geysteen shacabkii ku noolaa deegaanada” waxay dhaceen xoollihii dadka,waxay dileen waxgaradkii deegaanka waxay xireen goobihii adeegyadda bulshada” ayuu yiri Yoonis.

July 24-keedii 2019 Qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir oo sababay dhimashada guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo hawlwadeeno ka tirsanaa gobolka Banaadir ayaa dadkii ku shihiiday waxa ka mid ahaa Yoonis Aabihii oo dalka Maraykanka uga yimid in uu dalkiisa u shaqeeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay kulan jaaliyadda qurbejoogta Soomaaliyeed ku qabteen dalka talyaaniga ayaa ku dhawaaqay qorshaha hal dollar ku daafac dalkaaga,qorshahan ayaa ah mid muwaadiniinta Soomaaliyeed kaga qayb qaadanayan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kaga qayb noqon lahaayeen dib u xorraynta.

Madaxweynaha ayaa kulan baaq ugu diray qurbejoogta soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida iyadoo qurbejooga isla goobta kaga dhawaaqeen in ay ajiibeen baaqa madaxweynaha kaalin muuqatana si weyn uga geysan doonaan halganka dib u xoraynta dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay sanadkii 12 aad ee uu u shaqeynayo bulshada

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Laascaanood(SONNA):-Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay 53-cod,…

GudahaWararka
August 23, 2025

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan afka iyo dhaqanka u soo xiray 70 suxufi

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir โ€œMaareeyeโ€ ayaa maanta tababar la…

Wararka
October 18, 2020

Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacay Jowhar โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Isku soo baxaani oo ay ka qayb qaadanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa lagu taageerayay Madaxweeynaha…

Wararka
November 12, 2020

Wasiirka Diinta iyo Awkhaafta oo heshiis la saxiixday dhigiisa Boqortooyadda Sacuudiga

Riyad (SONNA) Wasiirka Diinta iyo Awkhaafta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga ayaa heshiis…

GudahaWararka
January 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023