Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta
MaqaalladaWararka

Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta

By Axmed
Last updated: February 5, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-12kii bishii May,2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan ku guuleysan kursiga madaxweyne, maalinkaa wuxuu weydiistay Baarlamaanka in ay codkooda siiyaan, wuxuuna balan qaaday inuu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab, waxna ka qabanayo amni-darada iyo dib u dhiska hey’addaha Dowladda.
“ Waxaan diiradda saari doonaa oo ugu horeeyo haddii uu Alle yiraahdo waa amniga, oo ah in dalka dib loo xorreeyo, lagana xoreeyo Khawaarijta, la isku furo waddooyinka magaalooyinka si ganacsiga iyo dadka si xor ah isaga kala gudbaan,” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii adkeynaya balanqaadkiisii ahaa ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab ayaa madaxtooyada qaranka kula kulmay dhammaan madaxda xukuumadda iyo dhammaan madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka,isaga oo go’aamiyay kulanka ka dib in ciqaab adag la marsiin doono kooxaha Khawaarijta arxanka daran, islamarkaana dowladda hadaf ka dhigatay dabar-goynta argagixisada.

“ Nin kasta oo Shabaab ah waa hadaf,ciidan kasta oo Shabaab ah waa hadaf, qof kasta oo Shabaab ah waa hadaf, sida dadka Soomaaliyeed ay hadaf uga dhigteen u dilayaan iyaguna waa hadaf, agtooda ha ku dhaawacmin hana ku dhiman ka fogow, waala duqeynaa, waa lala diriraa, waa lagu duulaa, waa laga dul degaa, wax walba oo dagaal ku furan yahay ayaa ku furan Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Mudo kooban waxa ku hirgalay go’aanka madaxweynaha, waxaa dagaal toos ah lagu qaaday goobihii ay ku joogeen Khawaarijta, ciidamada qaranka oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa wiiqay awooddii Al-shabaab ee naf-lacaariga ahaa.
“ Magacii Soomaaliya ayaa soo celiseen, kii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed soo celiseen, kiiniyaa soo celiseen, waana idin kaga mahadcelineynaa, ma lihin waajibkoodi ayuu ahaaye mahad iyo bogaadin iyo waxaad mudan tihiin abaalmarin intaba,”.

Howlgalkii ugu adkaa ayaa ka dhacay Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ahaa meelihii ugu adkaa ee Khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana dagaalladaas lagu gaarsiiyay Khasaaro culus, waxaa la dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta badan oo muddo sanado ah deegaannadaas ku gambanayay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa xilligaas jeediyay war farxad leh oo ku aaddanaa in Khawaarijtaas ay ku jabeen howlgalladii lagu qaaday.
“ Wallaahi, Billaahi, Tallaahi, waa aniga idin dhaartee Shabaab waa bur buray, qofkii dullinimo ku noolaan lahaa iyo qofkii xoriyad ku noolaan lahaa Shabaab waa bur buray, annaa idin sheegayee, waa bur buray, Shabaab waa tegey, war qof walbow markaa haka cararin waxaadan hubin,”.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, wuxuu soo jeediyay Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood madaxa la qaadi la’aa cabsida ay ka qabeen dhagar qabayaasha Al-shabaab ee dhiiggooda banneystay.

Waxaa xusid mudneyd,in furimaha dagaalka ay soo buux dhaafiyay kumannaan naftood huriyaal ah oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-shabaab, iyagoo aan la gambaneyn garab istaagooda isugu jira naf iyo maal.

Odayaasha iyo hoggaanka dhaqanka ayaa ahaa hormuudka ka soo muuqday furimaha hore ee dagaalka, kuwaas oo qaarkood ku Shihiiday sidii Khawaarijta looga dul qaadi lahaa shacabka.“ Waxaan u sheegayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dagaalkaas socda, nimankan dalka,dadka iyo Diinta ku soo duulay, in meel looga soo wada jeesto, oo aanay maqlin hadalkood, hadalkooda wuxuu daaran yahay dibiga cad ayaan rabaa ee dibiga madoow ma rabo, waxaan idin sheegayaa in doon la isla saaran yahay,” ayaa lagu xusuustaa Alle ha u naxariistee Nabadoon cilmi Hagar ( Nabadoonkii qorriga u qaatay in dalka laga xorreeyo khawaariijta Al-shabaab).

Shihiid Hibaad Cali Dasar ayaa yiri “ Annagoo ah dad rayid oo ku nool tuulo hoostaga degmada Aadan-Yabaal oo la yiraahdo Guulane, waxaa nagu kalifay 8-sano ayaa wadanku naga kireysnaa intaas maal ayaan bixin jirnay, waxay noola yimaadeen in kiradii ay badiyeen, in la bixiyo maal waxay nagu geysay in nala yiraahdo dadkiina keenna carruurtiina, gabdhihiina iyo wiilashiina keenna,
Mid ka mid ah dad xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku ammaanay dowladda federaalka sida ay ugu garab istaagtay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa yiri “Dowladda waa na garab istaagtay, waa noo waabisay, waa kala raacdeysay, waana leysay annaguna waa dhaawac tirnay,dowladda in badan ayay ku mahadsan tahay”.

Iskaashiga ciidanka qaranka iyo Bulshada hareeraha ka joogta ayaa sahlay in maleeshiyada Al-shabaab laga nadiifiyo degmooyinka iyo deegannadii ugu badnaa ee dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna dowladda federaalka hadda isku diyaarineysa howlgalka wejigiisa labaad oo ka bilaaban doona deegaannada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray halganka dib u xorreynta dalka.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku suntan isla xisaabtam iyo waxqabad, waxayna noqotay mid dhageysata dadkeeda, dhabaha dimuqradiyadda waxaa saldhig u ah Somali heshiis ah dunidana heshiis la ah,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Beladweyne “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta shir Guddoomiyay kulan looga hadlyay adkeeynta amaanka…

Wararka
February 17, 2021

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Magacaabay guddi warbixin kasoo diyaarisa shaqaaqooyinka ka socda Gobolka Sool

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin…

GudahaWararka
January 3, 2023

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo dhiggiisa Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaraya Xarunta dhexe ee Akaademiyadda Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhiggiisa Jabuuti MD Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka lagu wadaa in…

GudahaWararka
December 29, 2022

Xogta Xaaladda Abaaraha ee ka jirta deegaano hoostaga Miyiga Cadaado

Cadaado (SONNA):-Deegaanka Kayn oo  35-km dhinaca koofur bari ka xiga Caddaado, ma helin labadii xilli roobaad ee ugu dambaysay, Waxaana…

GudahaWararka
January 9, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023