Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 9-aad oo ajandihiisu ahaa, Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xubnaha Sanatarrada Golaha Aqalka Sare u sharraxay muhiimiyadda hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman kaas oo ka soo gudbay Golaha Shacabka.