Muqdisho(SONNA):-Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe-2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabta,iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen qaar kamid ah ehelladooda iyo Safiirka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaliya Danjire Axmed Jumca Al-Rumaythi.
Dhaawacyada lagu soo daweeyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee maanta Dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin markasta walaalahooda Soomaaliyeed.
Waxaa weli cisbitaalada dalka Imaaraatka ku jira qaar kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe-2 kuwaasi oo marka ay dhameystaan โโdaweyntooda dib ugu soo laaban doona dalkooda hooyo.
dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah ee ka taageera arrimaha gargaarka biniโaadantinimada iyo horumarinta, waxayna mar walba gacan ka geystaan daaweynta walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaawacma qaraxyada kooxa khawaariijtu ka geystaan โโDalkeenna.