Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoono iyo Akoono tiro badan oo lacagaha looggu diri jiray khawaarijta isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.
Wasiirku, wuxu sidoo kale tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu cadeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab kaas oo uu tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed ” Cali Dheere adiga iyo Khawaarijta kale waxba la idin ka waydiin maayo ilaalinta Hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinaya waa idinka oo khawaarij ah” ayuu yiri wasiirka.
Wasiir Jibril, sidoo kale wuxu ganacsatada Soomaaliyeed ku boggaadiyey u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee joojinta lacagihii baada ahaa ee la siin jiray khawaarijta Al-Shabaab.
Dowladda Soomaliya ayaa dagaalkii ugu adkaa ku qaaday illaha dhaqaalaha kooxda khawaariij iyadoo dowladdu xanibtay 250 Account sidoo kale na dowladda ayaa xirtay 70 Telefon oo khawaariijta u adeegsan jirtay ururinta illaha dhaqaalahooda.