MOGADISHU:SONNA Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa tacsi u direysa shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo saaka ku shahiiday weerar naf la caari ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dulqaadaan.
โTaliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankoodaโ ayuu yiri Madaxweynaha.
Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa ku shahiiday hawlgal saaka ka dhacay Galcad, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.