Maamulka Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda XFS iyo maamulka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta Jaamacadda ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.
Dhismaha qeybahaan hool oo ay maalgaliyeen maamulka Wakaaladda TIKA ee Turkiga waxaa loogu magacdaray Abukaate Maxamed Cumar Saalixi oo kamid ahaa qareenadii ka qeybgalay dacwadii badda ee u dhaxetsay Soomaaliya iyo Kenya..
Labadaan dhismo ayaa mid kamid ah loo qorsheeyay in lagu qabro xafladaha qalin jabinta,halka midka kale loo asteeyay ย garoon kubadeed.
Munaasabaddaasi xarigga looga jaray dhismaha cusub ee hoolalkaasi,waxaa ka hadlay Agaasimaha Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda XFS ย Ismaaciil Yuusuf Cismaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Dr.Xasan Cumar Mahad-alla,kuwaas oo ka mahadceliyay dadaalka Dowladda Turkiga,gaar ahaan Wakaaladda Dhismaha ee Tika.
Faadumo iyo Ismaaciil oo ah caruurtii uu dhalay qareen Saalixi,ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi .
Waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay Madaa Wakaaladda Dhismaha ee Tika Ilhaami Turus,isagoo sheegay in ay sii hoofteyn doonaan howlaha gurmadka ah ee lagu taageeraayo umadda Soomaaliya.