Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)
GudahaWararka

Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)

By Axmed
Last updated: January 10, 2023
3 Min Read
Share

Hiiraan(SONNA):-Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan.

Horjooge C/kariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey usoo noqday horjoogihii Maleeshiyada Khawaarijta ee degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Moqo Kori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay abaare 9:00kii fiidnimo lagu qaarijiyey deegaanka Buq Aqable oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Qaarijinta Horjoogahan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda kaasi oo ku aadanaa in lasii daayo Odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan taasi oo Horjooge Ina Qoor Madoobe ay la qabeen Maleeshiyaad gaaraya 50meeyo oo ku heyb ah.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Khawaarijta dhexdooda ee Buq Aqable ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la qaarijiyey isaga oo toogtay ilaa Afar Maleeshiyo ah oo is hortaagay in uu la baxo Odayaasha oo isla gacanta Khawaarijta ku jiray taasi oo uu kala kulmay ka biyo diidid xoog leh.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey sidoo kale iyana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijta Xalay ay iska dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan.

Weli deegaanka Buq Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee uu hogaaminayey Horjoogihii la qaarijiyey ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) kuwaasi oo weli isku aruursanaya deegaanka ay Al-Shabaab dhexdooda ku dagaalameen ee Buq Aqable ayadoo Horjoogayaashii baxshay amarka qaarijinta ayaguna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada kuwaasi oo heysta maleeshiyaad u daacad ah.

Dagaalkan ayaanan aheyn dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara Khawaarijta dhexdooda oo lagu qaarijiyo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Khawaarijta ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen Tobbon ruux.

Geesta kalena Khilaafkan ayaa kusoo biiray khilaaf aad u weyn oo waayahan kooxda ka dhex taagnaa ayadoo khilaafyadaasi dhammaantood ay sabab u yihiin jabka kooxda Khawaarijta ka gaaray howlgallada bilihii ugu dambeeyey ka socday gobollada Dalka kuwaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu geystay jab xooggan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi…

Gudaha
December 27, 2024

Xeer ilaalinta Qaranka oo war kasoo saartay dil ka dhacay Waddada Makka Al-mukarama

Muqisho(SONNA)-Dilka Marxuum Maxamed C/qaadir ayaa ka dhacay wadadda Maka Almukarama, agagaarka Tre biano, waxaana Gaari uu watay rasaas ku furay…

WararkaWargayska
July 12, 2020

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo ka socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.Rayidka…

GudahaWararka
February 12, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa howlgalka IGAD ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda kulan wax-ku-ool ah kula qaatay Madaxa…

GudahaWararka
March 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023