Jiddah(SONNA):-Wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha XFS, Mudane Cabadirashid Jire oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa manta booqasho ku tegay Xarunta Qunsuliyadda Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Arabia.
Wasiirka waxa xarunta Qunsuliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda iyo Diblomaasiyiinta Somaaliyeed ee ka howlgala xarunta, kuwaas oo la wadaagay habka ay u shaqeeyaan iyo shaqooyinka kala duwan ee howlwadeennada Qunsuliyaddu u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u soo adeeg doonta.
โWaxaan idinku bogaadinayaa shaqada muuqata ee aad u haysaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sacuudiga ku nool, adeegyo badan oo la mahadiyay ayaad qabateen, waxaana idinkula dardaarmayaa in sii laba-jibbaartaan, oo aad si hufan oo sinnaan ku salleysan ugu adeegtaan bulshada ee idiin soo adeegdoonta.โ Ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid Jire Qalinle oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta.
Ugu dambeyn, Wasiirk ayaa ku bogadiyay shaqaalaha Qunsuliyadda habsami u socodka shaqada Qaranka iyo adeegsiinta muwaaddiniinta Soomaaliyeed.