Muqdisho.SONNA – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Warshadaha soo saara hubka, rasaasta iyo Gaadiidka ee dalkaasi.
Wasaaradda ayaa dardar gelineysa qorshaha dowladda ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab,kadib kolkii kooxdaaasi haatan laga saaray deegaano badan oo dalka ka tirsan
Sidoo kale Wasaaraddu waxay xoojisay tayaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.