Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
    December 14, 2025
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)
GudahaMaqaallada

Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
9 Min Read
Share

Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa waxay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, waxaana lagu tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayay waxay u soo huwadeen Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, Ilaah fadligiis maanta waxay wada garteen Ummaddea Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, waxaana dhab ah in lagu ย kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Waxaa jirta in dagaal-siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka 1-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad ย ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan, labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan,balse doodo iyo falanqeynย  oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa lagu kala qabtay kadib, waxaan isla gartay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ka socda Dalka.

Dhinacyada Militariga iyo kan Dhaaalaha waa uu shaqeeyay, waxaa tusaale cad u ah sida Kooxda looga xoreeya Gobollo, degmooyin iyo Deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Galgudud, waxaana ugu dambeeyay Deegaanka Ballaaran ee Masagawaa oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud, halkaas oo muddo badan ay argagixisada shacabka ku dhibaateyn jireen.

Generaal Cali Caraale Cosoble Gacmo Duulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ciidanka huwanta ah ay gudaha u galeen degmada Masagawaa ka dib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay, waxayna Maleeshiyadii Khawaarijta aa isaga cararay degmada, iyadoo ciidamada ay ku sii daba jiraan firxadka Khawaarijta, โ€œ Ciidamada dowladda ayaa weerarray degmada, cadowga waa carareen hadda firxadkooda ayuu ciidanka sii daba socdaa, magaalana waa amniga oo ciidanka ayaa gudaha ku sugan,โ€ ayuu yiri Generaal Gacma Duulle.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay guulaha laga gaaray 7-dii bilood ee lasoo dhaafay halganka dib u xoreynta dalka, wuxuuna sheegay in guul ballaaran laga gaaray dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta, isla markaasna Shacabka Soomaaliyeed u istaageen dib u xorreynta dalka, wuxuuna intaasi raaciyay โ€œHiigsiga sanadka 2023-ka uu noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa, dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabadโ€ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu socdo qorshaha ay Dowladda Soomaaliyeed kula wareegeyso guud ahaan Amniga dalka ugu dambeyn bisha Decembar sannadka 2024-ka, isla markaasna dalka uga bixayaan Ciidamada Howlgalka ATMIS, wuxuuna hadaladaasi jeeday mar uu kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qeyb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

โ€œAniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib u soo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaroโ€, ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh, wuxuuna hadal Madaxweunaha ku soo aadayaa mar Ciidamada xoogga dalka ay ku guuleysteen in ay Khawaarijta Al-shabaab ka tir tiraan gobolka Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, iyagoo hadda u gudbay Gobolka Galgaduud oo maleeshiyada firxad ah ay ku dhuumaaleysanayaan meelo ka mid ee Deegaannadaasi, Muuqaalkan ciidanka gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hadalka Madaxweynaha intaba waxaa ka muuqda ifafaale qaran oo aad u weyn, Soomaaliya dib u curatay, dib u kabtay, dib lugaheeda isugu taagtay, dunidana saameyn ku leh ayaa ii bidhaantay.

Haddaba Guulahaasi waxaa barbar socday Dagaalka Dhinaca Fikirka ah ama Wacyigalinta, taasi oo ay Culumada Soomaaliyeed ku kala qabteen Dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisaba, waxaana kii ugu horreeyay lagu qabtay Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober sanadkii tegay, waxaana laga soo saaray bayaan uu ka mid ahaa qodob magac loogu bixinaayay Kooxda iyo qodobo kale , wuxuuna u qornaa sidan:-

Bayaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay ka soo saartay Shirkii ay u qabatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed 24-kii ilaa 29-kii bishii Okoober ee sanadkii tegay, marka iyadoo ka fulineysa awaamirta Madaxa Qaranka oo ku aadan la dagaalanka Kooxda isku magacawday Al-shabaab ee Maataleyska ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, tixgalineysana Bayaankii ka soo baxay shirkii Culimada Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamul-goboleedyada Dalka ee socday muddadii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober ee sanadkii tegay ee ay soo agaasintay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS, waxay ka soo saartay Qodobo ka kooban 5 qodob, waxayna kala yihiin:-

  1. Wasaaradda iyadoo adkeyneysa Bayaankii Shirkii 24-29 bishii Oktoober ee sanadkii 2022-kii, waxay reebtay in kooxda Khawaarijta ee ka dagaalanta Soomaaliya loogu yeero magaca ah Khawaarij.
  2. Wasaaraddu waxay reebtay Faafinta afkaarta Khawaarijta ee ku salysan kaligii Muslinnimada, dilka, is dilka iyo naftii halignimada salnna aan ku laheyn Diinteenna Islaamka ee Xaniifka ah.
  3. Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimada Soomaaliyeed la macaamilka iyo aadista Kooxdaasi Khawaarijta ah, maadaama la macaamilkoodu yahay fal dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helana lala tiigsan doono Sharciga.
  4. Wasaaraddu waxay bogaadineysaa dadaalada ay Culumada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinta Xaniifka ah inoo jideysay.
  5. Wasaaradda waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay isku kaalmeystaan wanaagga, qaataanna waajibaadkooda ku aadan taageeridda gulufka Dowladda ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacbka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo jira Shir ay Culimada Soomaaliyeed ku qabteen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaasi oo ah mid lagu sii kabayay ama lagu sii ayidayay Shirkaasi hore ee lagu qabtay Muqdisho, Waajibnimada Jihaadka lagula jiro Khawaarijta, waaana ka soo muuqday Culumadaan Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Mashaaikhda halkaan ay ka mid yihiin1- Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun.2- sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi 3- Sh Bashiir Axmed Salaad 4- Sh Maxed Idiris.5- Sh Maxed Dirir 6-ย  Sh Abuu Shaybah iyo Culumo kale oo aad u waawayn ahna kuwa ugu Xeesha dheer aqoonta Diinta Islaamka gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ay cadeeyeen waajibnimada Jihaadka lagula Jiro Khawaarijta, waxayna culumadaasi ay aad uaga hadleen hab dhaqameedka Kooxda oo ay ku sheegeen mid aan waafaqsaneyn Diinta Islaamka, iyagoo caddeeyay in ay mudan yihiin la iska dhiciyo.

Haddaba isku soo wada xooriyoo Kooxda waxa uu ugu baxay Magaca Khawaarijta ayaa ah inay Diinta bannaanka ka yihiin, taasoo lagu sifeeyay sida ay kaligood Diinta isugu koobeen, inta kalena ay ka saaraan, sidaasi awgeed ayaa ah sababta Culimada Soomaaliyeed ay ugu bixiyeen Magaca KHAWAARRIJTA.

Qallinka: C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababbar u furay qaar ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa maanta tababbar u furay 30 Saxafi oo ka kala…

GudahaWararka
July 22, 2023

Aqoon isweydaarsi ku saabsan hanaanka xafiiska Qaran ee isbadalka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehlinayo Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada mudane…

GudahaWararka
August 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay Dhiggiisa Ruushka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Moscow ee dalka…

GudahaWararka
May 26, 2023

Duqa Muqdisho oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidankii rasaasta ku furay Guddoomiyaha Yaaqshiid

Muqdisho-(SONNA)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in xabsiga la dhigay oo sharciga…

GudahaWararka
February 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023