Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool oo dad shacab ah ay ku dhinteen isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay Bannaanbaxa.
“Xukuumadda Somaliland Waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo Banaanbax dhigaya in Xabado lagu furo oo la dilo waa wax laga xumaado waana in la joojiyaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi xaashi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Bulshada magaalada Laas-caanood ugu baaqay in ay is-dajiyaan isla markaasna aan la sameyn wax nabadda wax u dhibaya.
Guddoomiyaha ayaa Somaliland iyo Shacabka Laas-caanood u soo jeediyay wada-hadal iyo in la joojiyo rabshada.