Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Tan iyo intii dagaalka adag lagu qaaday Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, meel kastana lagu jabiyay ayaa waxaa soo kordhay maalinta maalinta ka dambeysa Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Kooxdaasi, iyagoo u adkeysan waayay weerarada joogtada ah iyo duqeymaha meel kasta lagula beegsanaayo, kadib ayay goosteen inay isa soo dhiibaan, gacanta Dowladdana soo galaan.

Balse waxaa xusid mudan in xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxda Khawaarijta ah, si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay ka soo jeedaan, taasi oo ka hor imaaneysa amarka Madaxweynaha JFS ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaasi, waxayna Ciidamada Ammaanka Galmudug ay xabsiga dhigeen odayaal dhawaan Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Khawaarijtu haysato ee Degmada Xarardheere oo ka tirsan Gobolka Galmudug.

Odoyaashaasi ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, kaasi oo sheegay in odayaasha maanta hadlay ay yihiin dambiilayaal lagana qaadi doono tallaabo.

Sidoo kale, waxaa xariga Odoyaashaasi ka hadlay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar ( Jaamici), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in odayaashan la xiray loona gudbiyay magaalada Dhuusamareeb, si sharciga loo marsiiyo, wuxuuna sii raaciyay “ Cidna lagama aqbalaayo in Khawaarijta la macaamisho,”, waxaana jirta in Dowladda Federaalka ay horay amar ugu bixisay inaan lala macaamili karin kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Dhinaca kale waxaa sii laba kacaaya iso soo dhiibidda gacanta Dowladda ay isu soo dhiibayaan Maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Argagixsada ah ee Khawaarijta gacanta Dowladda, arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah ka soo baxaan kooxdan kadib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, Xubnahaasi khawaarijta ee isu soo dhiibay ciidanka waxaa kamid ahaa Maxamed C/Laahi Xasan bataati , Nur Xaamud Sheekh Eybakar, C/Raxmaan jiinoow Dheere, Maxamed Cismaan iyo Maxamed Cali Xuseen, iyadoo dhowrkaasi qof ee isu soo dhiibay ciidanka ay sheegeen in ay u qaabilsanaayeen Habka qadidda badda ee loo yaqaanno sakawaatka beeraha, heshiisiinta dadka iyo farsameynta baabuurta, waxaana Sarkaal ka mid ah ciidanka uu sheegay in dadkaasi ay ku yimadeen rabitaankooda,wuxuuna ka dalbaday dadka ku maqan gacanta khawaarijta in ay ku soo biiraan shacabka walaalahooda ah.

Waxaa kaloo jira Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana goob jog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Nuur Macalin Abuukar Calasow ayaa kamid ahaa Khawaarijta Al-shabaab isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe, iuyadoo Goobta lagu soo bandhigayey Khawaarijkan waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi,Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris,Taliyaha Guutada 17aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdullaahi,Taliyaha Booliska Hiirshabelle Xasan Dhicisow,Jeneraal Ibraahin Yuusuf iyo Masuuliyiin Kale.

Nuur oo muddo ka tirsaanaa Kooxdaan, ayaa loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.waxaana muddooyinkaan dambe soo badanaayay inay koox Dhallinyaraddii ay khaldeen Khawaarijta waqtigooda dhammaaday oo iskaga soo tagaya meelaha yar ee ku dhuumaalaysanayaan.

Haddaba waxaa jirta fursad wali u harsan dhallinyarada wali ku harsan gacanta Kooxda Khawaarijta ah, inay ka faaideystaan fursadaan, waxaana jiri doonta mar aan laga aqbali doonin, ee war hooy inata uusan dabrbiga dumaayaa ku waxyeeleyn ka soo tag kooxdaasi oo ka faaideyso fursadaan dahabiga ah.

SONNA Editorial.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan fogaan arag ah la qaatay madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyee ee SoDMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Madax sare oo hay’adda SoDMA ayaa…

GudahaWararka
May 20, 2025

Bandhig dalagga beeraha ah oo lagu qabtay Buuloburte

Muqdisho-(SONNA)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele iyo kan degmada Buulaburte ayaa  ka qeyb galay bandhig ay sameeyeen iskaashatada Beeralayda degmada Buulaburte…

GanacsigaGudahaWararka
July 30, 2024

Danjire Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib…

GudahaWararka
September 3, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Isbitaal casri ah oo Muqdisho laga hirgaliyey

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey…

GudahaWararka
February 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023