Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixin: Horjoogayaasha Khawaarijta oo wajahaya cabsi iyo walwal xooggan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixin: Horjoogayaasha Khawaarijta oo wajahaya cabsi iyo walwal xooggan
GudahaWararka

Warbixin: Horjoogayaasha Khawaarijta oo wajahaya cabsi iyo walwal xooggan

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 27, 2022
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA0:- Deegaanno muddo dheer aysan Maankooda galin Khawaarijta in mar uun loogu imaan karo ayay geesiyaasha ciidanka qaran u daateen, waana xisaab tira beel ah xubnaha Khawaarijta ee nafta la dhaafiyay ayagoo jiqaya dhigga shacabka.

Marka laga soo tago xubnaha Khawaarijta ah oo ay soo qaldeen Horjoogayaasha duurka ku jira ee iska qariya Bulshada, waxaa sidoo kale xanuunka geerida dhadhamiyay kuwa ay naadir la ahayd in xogtooda la helo, iskaba daa in la arko. Horjoogayaasha loo dhameeyay waxaa ka mid ahaa Cabdullahi Naadir dhaxal sugihii horjoogaha Khawaarijta, Abuu Cabdiraxmaan horjoogihii Khawaarijta ee Gobalka Banaadir iyo xubno kale.

Kuwa kale ayaa nolosha lagu soo qabtay, ayagoo baxsad ah, halka kuwa qaarna ay isku soo dhiibeen dowladda markii ay arkeen in jidkii ka soo xirmay waana ka mid ah Horjooge Mohamed Macalin Xasan oo magaciisa Afgarashada uu yahay Xudayfa.

Horjoogayaasha ku daac daacsan jiray dhiigga shacabka Soomaaliyeed, ayay hadda cabsi wayn la soo daristay, waxaana la sheegayaa in deegaannada qaar ay ka qaxeen, sida uu qabo Cabdullaahi Maxamed Xasan oo loo yaqaano Abuu Ayaan, Aqoon udursana u leh Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in dagaalka ka dhanka ah Khwaarijta uusan hakan, ilaa guud ahaan dalka laga ciribtirro Khawaarijta halista ku ah dalka iyo diinta.

Hadaba muxuu ku danbayn doonaa Mustaqbalka Horjoogayaasha Khawaarijta.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta waxaa gacanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya soo galay deegaanno muddo dheer aysan maankooda galin Khawaarijta in mar loogu imaan karo ayay geesiyaasha ciidanka qaran u daateen, waana xisaab tira beel ah xubnaha Khawaarijta ee nafta la dhaafiyay ayagoo jiqaya dhiiga shacabka.

Waxaa laga xorreyay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsanaa Hir-shabeelle, waxaa xor ah hadda oo la isugu gudbi karaa magalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Raage-Ceele, Aadan Yabaal iyo Ruun-Nirgood oo ah degmadii ugu dambeeyay ee lagu xorreeyo khawaarijta ee gobalka Shabeelada dhexe.

Waxaa sidoo kale laga xoreeyay degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan sida Ceel Hareeri,Moqokori,Buulaburte Matabaan iyo Yasooman oo ah dhul aad u baaxad wayn oo ka tirsan gobalka Hiraan, waxaa laga saaray degmooyin ka tirsan Galmudug sida Wabxo, Wisil iyo deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug,waxaana maalmaha soo socdo laga ciribtiri doonta degaannada fara ku tiriska ay ka joogaan Galmudug iyo gobolada dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u…

GudahaWararka
July 14, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in Qorshaha Xukuumadda uu yahay in kala bar miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay…

GudahaWararka
July 3, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiira Cusub

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud. Wasiirka Wasaaradda…

GudahaWararka
January 29, 2024

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u…

GudahaWararka
October 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023